LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Farmaajo oo ku dhawaaqay in Soomaaliya ay gashay xaalad halis ah ( Warsaxaafadeed)

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ka digay xaalad uu ku tilmaamay mid halis ah oo ay wajahday Somalia, taasoo si toos ah u taabanaysa amniga, wadajirka bulshada iyo jiritaanka dowladnimada dalka.

Qoraal rasmi ah oo uu soo saaray 14-ka Abriil 2026, ayuu Farmaajo ku sheegay in dalka uu galay marxalad hubanti la’aan ah oo salka ku haysa arrimaha doorashooyinka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed, taasoo halis gelin karta mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Wuxuu xusay in muddo-xileedka Baarlamaanka Federaalka uu si rasmi ah u dhammaaday, sida uu dhigayo Dastuurka Kumeelgaarka ah ee 2012, gaar ahaan qodobadiisa la xiriira waqtiga xil-haynta hay’adaha dowladda. Sidaas darteed, ayuu tilmaamay in xaalad sharciyeed oo adag ay ka dhalan karto haddii aan si degdeg ah loo dhisin Baarlamaan cusub.

Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in awoodda dastuuriga ah ee Baarlamaanka ay saldhig u tahay jiritaanka sharciyadda hay’adaha dowliga ah, isla markaana maqnaanshaha Baarlamaan shaqeynaya ay keeni karto khatar sharci iyo mid dowladnimo oo ballaaran.

Dhanka kale, wuxuu ka digay in muddo-xileedka Madaxweynaha uu ku egyahay 31 maalmood gudahood, sida uu qabo Dastuurka, taasoo sii kordhin karta xaaladda siyaasadeed ee cakiran haddii aan xal degdeg ah la helin.

Ugu dambeyn, Farmaajo wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda dalka inay si wadajir ah uga shaqeeyaan xalinta khilaafaadka, islamarkaana la ilaaliyo hannaanka dastuuriga ah si loo xaqiijiyo doorashooyin hufan, loona soo celiyo kalsoonida shacabka ee dowladnimada dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *