LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka oo Afka furtay farriina u diray Xasan Sheekh

In ka badan 145 sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kana tirsan ciidamadii tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, ayaa war-saxaafadeed iyo muuqaal ay kasoo direen xero ay ku sugan yihiin ku sheegay inay wajahayaan xaalad nololeed iyo mid amni oo aad u adag.

Saraakiishan ayaa sheegay in tiradoodu gaareyso 145 sarkaal, kuwaas oo laga dhex xulay ciidamadii xilligii dowladdii hore ee Madaxweyne Mohamed Abdullahi Mohamed loogu diray Eritrea. Waxay sheegeen in sanadkii 2022 dib loogu bilaabay tababar cusub oo la xiriira ciidamada cirka.

Sida ay ku sheegeen war-saxaafadeedkooda, saraakiishan waxay isugu jiraan qeybaha kala ah:

Qaybta difaaca hawada
Duuliyayaal

Farsamayaqaannada diyaaradaha

Qeybta saadka (Logistics)

Waxay tilmaameen inay soo mareen muddo ka badan 10 sano oo waxbarasho iyo tababaro ciidan oo heer sare ah, islamarkaana ay dhammeysteen dhammaan tababaradii loo qorsheeyay muddo sanad iyo lix bilood kahor.

Saraakiishu waxay sheegeen in marar badan loo ballanqaaday in dib loogu soo celin doono Soomaaliya si ay uga mid noqdaan dib-u-dhiska iyo tayeynta ciidamada dalka, gaar ahaan ciidamada cirka, balse ilaa hadda aysan jirin tallaabo muuqata oo lagu fuliyay ballanqaadyadaas.

Waxay sheegeen in xaaladda ay ku sugan yihiin ay tahay mid adag, isla markaana dareenkoodu yahay in la iska illoobay, inkastoo ay yihiin saraakiil leh aqoon, tababar iyo waayo-aragnimo muhiim u noqon karta dalka.

War-saxaafadeedkooda waxay si gaar ah ugu baaqeen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya inay si degdeg ah uga jawaabaan cabashadooda, isla markaana dib loogu soo celiyo dalkooda si looga faa’iideysto khibradda iyo aqoonta ay leeyihiin.

Dhanka kale, saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay inay wajahayaan cadaadis iyo caga-juglayn, sida ay sheegeen, uga imaaneysa ciidamada ama masuuliyiinta Eritreanka ah ee gacanta ku haya xerada ay deggen yihiin.

Waxay ugu dambeyn codsadeen in dowladda Soomaaliya si degdeg ah u soo farageliso xaaladdooda, maadaama ay muddo dheer ku sugnaayeen xaalad hubanti la’aan ah, iyagoo ka fog dalkooda iyo qoysaskooda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *