LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xildhibaan Fa’isa Jayte oo si kulul ugu hadashay dhul boobka ka socdo Muqdisho

Xildhibaan Fa’isa Jayte oo kamid ah Golaha Shacabka ayaa si adag uga hadashay eedeymo culus oo ku saabsan dhul boob iyo tacaddiyo la sheegay in ay ka dhacayaan magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Deyniile, iyadoo si toos ah farta ugu fiiqday ciidamo ka tirsan booliska.

Xildhibaannada ayaa sheegtay in ay jirto cabasho xooggan oo ka imaaneysa shacabka ku nool degmadaas, kuwaas oo la kulmaya, sida ay hadalka u dhigtay, “boob, burburin hantiyeed iyo xadgudubyo joogto ah.” Waxay ku eedeysay ciidamo ka tirsan booliska in ay ku lug leeyihiin falal lid ku ah xuquuqda aadanaha, isla markaana ay si khasab ah uga saarayaan dadka guryahooda.

Fa’isa Jayte ayaa sidoo kale ka hadashay dhacdo gaar ah oo ay sheegtay in ay ku lug leeyihiin Taliyaha Booliska Soomaaliya Asad Diyaano iyo Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi, iyadoo xustay in gabar iyo carruurteeda la garaacay, isla markaana loo diiday in la geeyo isbitaal, laguna hayay waddooyinka. Waxay tilmaantay in arrintaasi ay tahay mid ka baxsan sharciga, ayna u baahan tahay in si degdeg ah wax looga qabto.

“Dadka dulqaadkooda wuu dhammaaday. Labo sano oo boob iyo dhibaato ah wali waa la sii wadaa,” ayay tiri Xildhibaanadu, iyadoo ku eedeysay masuuliyiinta ku lugta leh in ay ku dhaqmayaan dano gaar ah oo aan waafaqsaneyn mas’uuliyadda ay hayaan.

Xildhibaan Fa’isa ayaa sidoo kale digniin u dirtay cid kasta oo ku lug leh falalkaasi, iyadoo sheegtay in dulmiga iyo xadgudubyadu ay leeyihiin cawaaqib xumo, isla markaana aysan sii socon karin. Waxay ku boorrisay hay’adaha dowladda, gaar ahaan laamaha ammaanka, in ay joojiyaan falalka lagu eedeeyay, isla markaana ay ilaaliyaan xuquuqda shacabka.

Ugu dambeyn, waxay ugu baaqday dowladda Federaalka Soomaaliya in ay si degdeg ah u baarto eedeymahan, lana horkeeno sharciga cid kasta oo lagu helo ku lug lahaanshaha tacaddiyada iyo dhul boobka la sheegay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *