LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Soomaaliya oo QM kala hadashay waxka qabashada cuno-yarida iyo fatahaadaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP), kuwaas oo uu hoggaaminayey Mudane Matthew Hollingworth, oo ah kaaliyaha dhanka mashaariicda ee Maareeyaha Guud ee WFP.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan cunno-yarida, abaaraha, fatahaadaha iyo saameynta ay leeyihiin dhibaatooyinka soo noqnoqda ee dabiiciga ah. Labada dhinac ayaa isla falanqeeyay sidii loo heli lahaa xal waara oo lagaga gudbo caqabadahaas.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa wafdiga WFP la wadaagay warbixin guud oo ku saabsan xaaladda dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo horumarrada la gaaray. Waxa uu sidoo kale xusay in abaaraha soo noqnoqda ay sababaan cunno-yari, taasoo u baahan in si wadajir ah wax looga qabto.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la gaaro xal waara, iyadoo la tixgelinayo in xilligan lagu jiro waqti roobaad, loona baahan yahay in bulshada reer guuraaga iyo beeraleyda lagu dhiirrigeliyo ka faa’iidaysiga wax-soo-saarkooda si loo yareeyo ku tiirsanaanta gargaarka dibadda.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Hay’adda WFP doorka ay ka qaadato gurmadka bani’aadannimo, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay hadda ku jirto marxalad dib-u-soo-kabasho ah kadib dhibaatooyin kala duwan oo soo maray dalka. Waxa uu sidoo kale xusay in Xukuumadda DanQaran ay diyaarisay qorshayaal lagu gaari karo isku-filnaansho iyo xal waara oo lagu yareeyo cunno-yarida.

Dhankooda, mas’uuliyiinta WFP ayaa bogaadiyey dadaallada ay xukuumaddu wado ee lagu xallinayo caqabadaha cunno-yarida. Waxay sidoo kale sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay sii xoojiyaan taageeradooda si Soomaaliya ay u gaarto isku-filnaansho, loogana gudbo ku tiirsanaanta gargaarka dibadda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *