LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Wasiir Cusub Magacaabay ( Wareegto)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, iyadoo xilkaas loo dhiibay Cabdifataax Qaasim Maxamuud oo horey uga tirsanaa Golaha Shacabka.

Magacaabistan ayaa timid kaddib markii xilka laga qaaday wasiirkii hore ee wasaaradda, Daa’uud Aweys Jaamac, oo muddo hayay hoggaanka Warfaafinta. Lama shaacin sababaha rasmiga ah ee isbeddelkan, balse waxa uu qeyb ka yahay dib-u-habeyn ay xukuumaddu ku sameyneyso qaar kamid ah hay’adaha dowladda.

Wasiirka cusub, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa leh khibrad dowladeed oo hore, isagoo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda federaalka, waxaana ugu dambeeyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga. Sidoo kale, waxa uu kamid yahay Xildhibaannada Golaha Shacabka, taas oo siinaysa faham qoto dheer oo ku saabsan nidaamka dowladnimo iyo howlaha sharci-dejinta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa wasiirka cusub kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh u guto waajibaadka loo igmaday, isla markaana uu xoojiyo doorka wasaaradda ee ku aaddan wacyigelinta bulshada, horumarinta warbaahinta qaranka, iyo ilaalinta dhaqanka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay Wasaaradda Warfaafintu u leedahay isku xirka dowladda iyo shacabka, gaar ahaan xilligan ay dalka ka socdaan isbeddello siyaasadeed iyo amni.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *