LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xiisad dagaal oo ka taagan Waqooyiga Beledweyne

Xiisad colaadeed oo sii xoogeysanaysa ayaa laga soo sheegay deegaanka Jeereey oo dhaca waqooyiga magaalada Beledweyne, halkaas oo laba beelood oo wada dega ay isku hayaan dhul iyo deegaamayn laga sameeyay deegaankaasi.

Wararka laga helayo Jeereey ayaa sheegaya in mid kamid ah beelaha deegaanka wada dega ay halkaasi ka samaysatay deegaamayn cusub, taas oo ay si weyn uga biyo diideen dhinaca kale, arrintaasina ay dhalisay xiisad iyo is abaabul hubeysan.

Maleeshiyaad ka kala tirsan labada dhinac ayaa la sheegay inay isku hor fadhiyaan deegaanka, iyadoo sidoo kale la dareemayo dhaq dhaqaaqyo la xiriira hub uruursi iyo abaabul maleeshiyaad cusub. Dadka deegaanka ayaa muujinaya cabsi xooggan oo ku saabsan suurtagalnimada dagaal ka qarxa halkaasi.

Sidoo kale, ilo deegaanka ah ayaa sheegay in maleeshiyaadkan ay hore garsoor ugu doontaan kooxda Al-Shabaab, arrintaas oo shacabka qaarkood ay u arkaan mid khatar ku ah amniga guud iyo xasilloonida gobolka. Waxaa jira baaqyo ku aaddan in tallaabo adag laga qaado cid kasta oo lagu helo inay xiriir ama garsoor la sameeyeen kooxaha argagixisada, maadaama ay taasi ka hor imaaneyso shuruucda la dagaallanka argagixisada.

Dhanka kale, weli wax war ah kama soo bixin maamulka degmada Beledweyne iyo maamulka gobolka Hiiraan oo ku saabsan xiisadda ka taagan Jeereey, xilli la sheegayo inay barakaceen dad badan oo ka cabsi qaba in dagaal lagu dul qaado deegaanka.

Xaaladda deegaanka Jeereey ayaa weli kacsan, waxaana shacabka deegaanka ay ugu baaqayaan maamulka iyo dowladda dhexe inay si deg deg ah u farageliyaan si looga hortago dagaal sababa khasaaro naf iyo maalba leh.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *