Shaacinta Musharaxa Galmudug ee JSP oo dib loo dhigay hal arrin darteed

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya sababta dib loogu dhigay xafladdii maanta la filayay in lagu shaaciyo laguna ansixiyo musharraxa ururka JSP ee doorashada madaxtinimada maamulka Galmudug.
Xafladda oo ay qabanqaabadeeda wadeen guddiga fulinta JSP ayaa qorshuhu ahaa in maanta lagu soo bandhigo musharraxa rasmiga ah ee ururkaasi, balse waxaa si lama filaan ah dib loogu dhigay kadib wada-hadallo siyaasadeed oo saacadihii dambe socday.
Sida uu ogaaday Banaadir24, ergo ka socotay Madaxweynaha Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa saaka kulan la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud, iyadoo kulankaasi diiradda lagu saaray xal u helidda muranka iyo xaaladda kala-guurka siyaasadeed ee Galmudug.
Ilo xog-ogaal ah oo ku dhow wada-hadallada ayaa xaqiijiyay in dhinacyadu ay gaareen is-afgarad siyaasadeed oo ka kooban dhowr qodob oo muhiim ah.
Qodobada lagu heshiiyay
In Madaxweyne Axmed Qoorqoor uu tanaasul siyaasadeed u sameeyo musharraxa JSP ee Liibaan Axmed Xasan.
In Madaxweyne Qoorqoor uu maalmaha soo socda yimaado magaalada Mogadishu si loo dhammeystiro heshiiska siyaasadeed, isla markaana isaga iyo Liiban Shuqluq ay yeeshaan kulan rasmi ah oo lagu xoojinayo heshiiska.
In xafladda shaacinta musharraxa JSP lagu qabto magaalada Dhusamareb toddobaadka soo socda.
In Madaxweyne Qoorqoor uu sii hayo xilka madaxtinimada Galmudug inta laga dooranayo madaxweynaha cusub, iyadoo aan loo baahnayn in xilka loo magacaabo ku-sime ama mas’uul kale oo kumeel gaar ah.
Dib u dhaca xafladda JSP ayaa kusoo aadaya xilli uu sare u kacay dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed ee la xiriira doorashada madaxtinimada Galmudug, iyadoo dhinacyada siyaasadda ay wadaan kulamo iyo wadatashiyo lagu doonayo in lagu gaaro heshiis mideysan.









