Xasan Sheekh Oo Lagu Eedeeyay Inuu Dalka Dhaqaale Xumo Geliyay, Hantidii Qarankana Xaalufiyay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa weerar siyaasadeed oo culus ku qaaday maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku eedeeyay inuu dalka geliyay xaalad dhaqaale iyo bani’aadannimo oo sii xumaanaysa, isla markaana maamulkiisu ku takri-falay hantida qaranka iyo dhulalka danta guud.
Khayre ayaa sheegay in afar sano iyo saddex bilood kadib doorashadii Xasan Sheekh ay hoos u dhaceen kobaca dhaqaalaha, awoodda wax-iibsiga qoysaska iyo faa’iidada ganacsiyada, halka shaqo la’aanta, sicir-bararka, saboolnimada iyo barakacuna ay kordheen.
Eedeynta ugu culus ee Khayre ayaa taabanaysa hantida qaranka iyo dhulalka danta guud, isaga oo maamulka Xasan Sheekh ku eedeeyay xaalufinta hantida dowladda iyo la wareegidda dhul loogu talagalay adeegga shacabka.
Arrinta dhulka ayaa muddooyinkii dambe ka mid noqotay mowduucyada ugu kulul Muqdisho, iyadoo dad laga raray goobo ay deggenaayeen ay dowladda ku eedeeyeen dhul ka qaadis, halka eedeymo siyaasadeed ay sidoo kale jireen oo sheegaya in qaar ka mid ah dhulalka muranku ka dhashay loo wareejiyay ama laga iibiyay ganacsato.
Hadalkan Khayre wuxuu kusoo aadayaa xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka Dowladda Federaalka iyo mucaaradka, gaar ahaan muranka la xiriira muddada xil-haynta madaxweynaha, dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka dalka.
Ilaa hadda Villa Soomaaliya kama aysan soo saarin jawaab rasmi ah eedeymahan cusub ee uu jeediyay Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre.









