Uganda oo go’aan culus ka qaadatay Soomaaliya: Ciidamada Uganda oo sii joogaya xitaa…

Dowladda Uganda ayaa xaqiijisay in ciidamadeedu ay sii joogi doonaan Soomaaliya, xilli hubanti la’aan weyn ay hareysay mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo maalgelinta caalamiga ah ee lagu taageero.
Wasiirka Difaaca Uganda, Kiryowa Kiwanuka, ayaa Jimcihii sheegay in Kampala ay go’aansatay inay sii joogto Soomaaliya, isagoo tilmaamay in qaabka mustaqbalka ee joogitaanka ciidamada Uganda uu isbedeli karo, isla markaana uu ka madax-bannaan karo howlgalka AUSSOM.
Uganda ayaa hadda Soomaaliya ku leh qiyaastii 4,500 askari oo hoos taga AUSSOM, halka ilo militari ay sheegeen in 2,000 askari oo kale ay dalka ku joogaan heshiis laba geesood ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Uganda.
Muqdisho iyo Kampala ayaa dhammaadkii 2024 kala saxiixday heshiis laba geesood ah oo dhigaya in ciidamo Uganda ah Soomaaliya la geeyo laga bilaabo 2025. Heshiiskaas ayaa hadda noqon kara saldhigga sharci iyo siyaasadeed ee joogitaanka ciidamada Uganda haddii AUSSOM la dhimo ama laga baxo Soomaaliya.
Go’aanka Kampala ayaa kusoo aadaya xilli mustaqbalka AUSSOM uu wajahayo cadaadis dhaqaale oo weyn. Mareykanka ayaa sheegay inuu dhammaadka sanadkan joojinayo lacagaha uu ku taageero UNSOS, oo bixisa adeegyo muhiim u ah howlgalka sida saadka iyo taageerada ciidamada.
Wasiirrada difaaca ee dalalka ciidamada ku biiriya AUSSOM ayaa dhankooda ku baaqay in haddii howlgalka Midowga Afrika laga baxayo Soomaaliya, bixitaankaasi noqdo mid nidaamsan oo isku dubbaridan, si masuuliyadda amniga loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliyeed.
Sarkaal militari oo xogta la wadaagay AFP ayaa sidoo kale sheegay in Kenya, Itoobiya iyo Masar la filayo inay ciidamo ku sii hayaan Soomaaliya sanadka 2027, inkastoo qaabka rasmiga ah ee joogitaankooda mustaqbalka aanu weli caddayn.









