LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xasan Sheekh Oo La Filayo Inuu La Kulmo Wakiillada Beesha Caalamka Iyadoo Muran Ka Taagan Yahay Doorashooyinka Dalka

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu qorsheynayo inuu Arbacada soo socota kulan la yeesho wakiillada Beesha Caalamka ee ku sugan Muqdisho.

Sida ay tilmaamayaan xogaha la helayo, ajandaha kulanka ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo geeddi-socodka doorashooyinka, iyadoo madaxweynuhu la filayo inuu diblomaasiyiinta la wadaago warbixin ku saabsan qorshaha dowladda ee doorashooyinka soo socda.

Kulankan ayaa imanaya xilli ay weli jiraan aragtiyo kala duwan oo ku saabsan hannaanka doorashada, isla markaana safiirro iyo wakiillo caalami ah ay dhawaan ku baaqeen in heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay laga gaaro nidaamka doorashooyinka, iyagoo muujiyay in aan hal dhinac kaligiis go’aan uga gaari karin arrimaha doorashada dalka.

Sidoo kale, kulanka la filayo ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya Villa Somalia iyo qaar kamid ah mucaaradka, kuwaas oo toddobaadyadii u dambeeyay isku mari waayay arrimo la xiriira doorashooyinka iyo amniga.

Dhanka kale, 10-ka bishan Juun oo ku beegan Arbacada ayaa dowladda Federaalka hore ugu asteeysay maalinta la qorsheeyay qabsoomidda doorashada maamulka Koonfur Galbeed. Arrintan ayaa dhalisay falanqeyn iyo doodo siyaasadeed ku saabsan isku beegga kulanka Beesha Caalamka iyo jadwalka doorashada, iyadoo dhinacyo kala duwan ay aragtiyo kala geddisan ka qabaan ujeeddooyinka ka dambeeya tallaabooyinkan.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Villa Somalia oo faahfaahin dheeraad ah ka bixiya natiijada laga filayo kulanka ama mowqifka Beesha Caalamka ee arrimahan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *