Dowladda oo Lagu Eedeeyay Dhac Hantiyeed Intii Lagu Jiray Howlgalka Hotel Elite

Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo ah milkiilaha Hotel Elite ee xeebta Liido, ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay inay qaaday howlgal uu ku tilmaamay sharci-darro, kaas oo lagu beegsaday hoteelkiisa xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka jira caasimadda Muqdisho.
Cabdullaahi Maxamed Nuur oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay gudaha u galeen Hotel Elite iyagoo wata amarro uu ku tilmaamay kuwo khaldan, xilli ay goobta ku sugnaayeen shaqaale Soomaaliyeed iyo kuwo ajnabi ah.
Wuxuu ku eedeeyay ciidamada inay baaritaanno sameeyeen, qalab kala baxeen hoteelka, isla markaana ay shacabka u soo bandhigeen hub lagu sheegay in laga helay gudaha hoteelka. Wasiirkii hore ayaa si adag u beeniyay in hubkaasi uu leeyahay, isagoo sheegay in Hotel Elite uusan ku lug lahayn wax dhaqdhaqaaq ciidan ah.
Dhanka kale, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa qirtay lahaanshaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ee laga helay hoteelka, balse wuxuu caddeeyay inay ahaayeen kuwo loo haystay sawir-qaadis hawada ah isla markaana sharciyeysan oo oggolaansho ka haystay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Xalka dhibaatooyinka Soomaaliya laguma heli karo xoog, rasaas iyo caburin. Taasi waa arrin aysan shacabka Soomaaliyeed aqbali karin,” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Nuur.
Sidoo kale wuxuu ku andacooday in howlgalka lagu qaaday Hotel Elite uu ahaa mid siyaasadaysan, isagoo sheegay in ciidamada ammaanka ay adeegsadeen awood dheeraad ah isla markaana ay dhac iyo burbur u geysteen hanti ku taal hoteelka.
Eedeymahan ayaa imanaya xilli Muqdisho ay ka socdaan howlgallo amni oo dowladda Federaalka sheegtay inay ku doonayso soo qabashada hub sharci-darro ah iyo ka hortagga falal amni darro oo ka dhalan kara xiisadaha siyaasadeed ee taagan.
Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sidoo kale shaaciyay in Hotel Elite uu xirnaan doono ilaa laga gaarayo isbeddel siyaasadeed iyo mid hoggaamineed oo dalka ka dhaca, isagoo sheegay in go’aankaasi uu yahay mid uu si shaqsi ah u qaatay kadib dhacdooyinkii ugu dambeeyay.









