
Kiiska Cabdullaahi Maxamed Nuur, milkiilaha Hotel Elite isla markaana muddo dheer ka mid ahaa xulafada dhow ee Xasan Sheekh Maxamuud, waa digniin culus oo ku socota ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Muqdisho.
Ganacsato badan ayaa aaminsan in ku dhowaanshaha taliska Xasan Sheekh ama ka aamusnaanta gaboodfalka iyo xadgudubyada uu gaysanayo ay siinayso difaac iyo badbaado. Qaar badan waxay rumaysan yihiin in saaxiibtinimada siyaasadeed, taageerada dhaqaale, ama xiriirka gaarka ah ee ay la leeyihiin taliska ay ka ilaalinayso in awoodda dowladda iyaga loo adeegsado.
Dhacdada Hotel Elite waxay muujinaysaa sida ay aragtidaasi u jilicsan tahay.
Taliska Xasan Sheekh wuxuu sheegay in howlgalka lagu qaaday hotelka uu qayb ka yahay hub-ka-dhigis. Cabdullaahi, dhiniciisa, wuxuu si cad u beeniyey eedahaas, isaga oo ku dooday in arrintaasi ay tahay tallaabo siyaasadaysan oo loogu talagalay in lagu sumcad dilo laguna sharciyeeyo dhaca hantidiisa.
Si kasta oo loo arko dhacdadaas, waxaa kiiska ku jira cashar ka weyn laftiisa.
Taliska Xasan Sheekh wuxuu isku deyayaa in uu kaligii xoogaysto oo awoodda gacanta ku dhigo isaga oo adeegsanaya magaca dowladda, islamarkaana ka takhaluso awooddii beelaha, gobollada, mucaaradkaba iyo xitaa beesha caalamka.
Intii lagu jiray burburkii dowladeed, ganacsatadu waxay ku tiirsanaayeen awooddooda, tan beelahooda, iyo xiriirrada bulshada si ay u ilaashadaan hantidooda iyo danahooda. Maanta xaaladdu way is beddelaysaa.
Dowlad xooggan waa arrin wanaagsan haddii ay ku shaqayso sharci, isla xisaabtan, garsoor madax-bannaan, iyo hay’ado awoodda xaddida isla markaana dheellitira. Laakiin marka talis ku shaqaynaya rabitaanka iyo danta hal shakhsi uu xoogaysto, iyadoo aanay jirin maxkamado madax-bannaan, baarlamaan awood leh, dastuur la dhowro, iyo nidaam isla xisaabtan oo dhab ah, awooddu waxay isu beddeshaa mid ugaarsata shacabka halkii ay ka ilaalin lahayd.
Marka xaaladdu sidaas noqoto, hantidu waxay noqotaa bartilmaameed.
Ganacsade walba waxaa lagu eedayn karaa wax kasta, waa la cabsi gelin karaa, waa la sumcad dili karaa, hantidiisana waa lala wareegi karaa iyada oo aan loo marin hannaan sharci oo hufan. Haddii ilaalinta qofku ku xirnaato xiriirka uu la leeyahay taliska talada haya, markaas cidina dhab ahaantii ma badbaadsana. Waxa laguugu siiyey raalli-gelin siyaasadeed ama lagaa dhaafay xiriir shakhsiyeed awgii, waa lagaa qaadi karaa marka ay danuhu is beddelaan.
Taariikhdu waxay ina bartay in talisyada awoodda uruursada aysan ku ekaan mucaaradka oo keliya. Waxay gaaraan saaxiibbadood, maalgeliyayaashooda, saraakiishooda iyo dadkii gacan ka geystay jiritaankooda.
Dad badan oo maanta ka tirsan nidaamka waxay u haystaan inay ka badbaadi doonaan miciyaha bahalka ay barbaarinayaan. Hase yeeshee, taariikhdu waxay ina bartay in kuwii gacan ka geystay uruurinta awoodda ay noqdaan dhibbanayaasha xiga marka laga dhammeysto danihii laga lahaa, lagana maarmo baahidii loo qabay, ka dibna loo arko culays ama khatar siyaasadeed.
Digniintani kuma koobna ganacsatada oo keliya. Waxay sidoo kale khusaysaa xulafada siyaasadeed, madaxda laamaha amniga, iyo dhammaan kuwa maanta u malaynaya inay badbaadsan yihiin sababtoo ah waxay u adeegayaan taliska Xasan Sheekh.
Marka awooddu ku ururto hal qof, isla xisaabtankuna meesha ka baxo, qofka maanta gudaha jooga waa kan berri la bartilmaameedsado.
Xalka Soomaaliya kuma jiro dowlad daciif ah. Dalka wuxuu u baahan yahay dowlad xooggan oo sugta amniga, dibna u soo celisa sharciga iyo kala dambaynta.
Hase yeeshee, dowlad xooggan waa mid awooddeeda uu dastuurku xaddido, sharciguna ka sarreeyo madaxda, garsoorkuna madax-bannaan yahay, hay’aduhuna is-dheellitiraan oo isla xisaabtamaan. Waa dowlad la dagaallanta eexda, musuqmaasuqa, iyo qaraabo-kiilka. Waa dowlad ay fursaduhu u siman yihiin muwaadiniinta, karti iyo mutaysina lagu kala baxo, halka tartanka siyaasadeedna uu yahay mid furan, caddaalad ah, oo loo wada siman yahay.
Ganacsatada Muqdisho waa inay fahmaan in badbaadadoodu aysan ku jirin xiriir shaqsiyeed oo ay la leeyihiin taliska talada haya. Badbaadadoodu waxay ku jirtaa dhismaha nidaam ay xuquuqda hantidu sharci ku dhowrsan tahay, sharcigu sareeyo, garsoorkuna madax-bannaan yihiin, isla markaana aan qofna xorriyaddiisa, sumcaddiisa, ama hantidiisa lagu xadgudbi karin.
Su’aasha hortaalla ganacsatada Muqdisho waa mid fudud:
Ma waxay sugayaan ilaa awoodda taliska Xasan Sheekh gaarto heer qof walba si gooni ah loo bartilmaameedsan karo, mise waxay taageeri doonaan kuwa hortaagan gaboodfalkiisa, iyo xadgudubkiisa, si loo dhiso hay’ado awood leh oo si siman u ilaaliya xuquuqda muwaadiniinta oo dhan?
Waxa maanta ku dhacay hal ganacsade oo awood leh waxay berri noqon karaan hannaan lagu dabaqo ganacsato kale oo badan.
W/Q: Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame









