Xasan Sheekh oo Dharbaaxo Kala Kulmay Reer Galbeedka, Dhaqaale Lagu Sii Hayo Ciidamada Shisheeye oo…

Waxaa sii xoogeysanaya walaaca laga qabo mustaqbalka maalgelinta iyo taageerada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo Dowladda Federaalka iyo dalalka ciidamada ku biiriya howlgalka ay wajahaan caqabado ku saabsan sidii loo heli lahaa dhaqaale lagu daboolo taageerada la filayo inay meesha ka baxdo.
Xogo soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka ay waddo dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu raadinayo dalal ama dhinacyo kale oo qaadi kara qeyb ka mid ah kaalinta dhaqaale iyo taageerada milateri ee Mareykanka.
Hase yeeshee, dadaalladaas ayaa wajahaya caqabad cusub, kadib markii la sheegay in qaar ka mid ah dowladaha Reer Galbeedka aysan taageersaneyn qorshe UNSOS loogu raadinayo maalgelin kale oo lagu beddelo kaalinta Mareykanka.
Mid ka mid ah diblomaasiyiinta Reer Galbeedka ayaa, sida xoguhu tilmaamayaan, xitaa muujiyay in haddii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay la horgeeyo qorshe noocaas ah, ay suuragal tahay in si adag looga hor yimaado.
Haddii mowqifkaasi rasmi noqdo, wuxuu cadaadis weyn saari karaa mustaqbalka howlgalka AUSSOM iyo qorshaha joogitaanka ciidamada shisheeye ee Soomaaliya.
Madaxda dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka ayaa dhankooda wada dadaallo lagu baadigoobayo ilo dhaqaale oo cusub, balse ilaa hadda ma muuqato ballanqaad dhaqaale oo muddo dheer lagu tiirsanaan karo.
Villa Somalia ayaa ku doodaysa in ciidamada shisheeye aan si degdeg ah looga maarmi karin, isla markaana masuuliyadda amniga dalka loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliyeed si taxaddar leh muddo ku dhow 24 bilood.
Dhinaca kale, cadaadiska caalamiga ah ayaa sii kordhaya ee ku aaddan in Soomaaliya yeelato qorshe siyaasadeed iyo mid amni oo horseeda isku-filnaansho, halkii muddo aan cayimneyn lagu sii tiirsanaan lahaa ciidamada iyo maalgelinta dibadda.
Khilaafka ku saabsan cidda bixinaysa dhaqaalaha iyo muddada ciidamada shisheeye sii joogayaan Soomaaliya ayaa sidaas ku noqonaya mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee horyaalla Dowladda Federaalka iyo howlgalka AUSSOM.









