Ciidamada Midowga Afrika oo Ka Baxaya Buurhakaba & Al-Shabaab oo…

Wararka ka imaanaya degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada Midowga Afrika ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ku wargeliyeen qorshe ay kaga baxayaan degmada maalmaha soo socda.
Qorshaha bixitaanka ciidamada ayaa walaac amni ka abuuray Buurhakaba, oo muddo dheer ammaankeeda ay door muhiim ah kaga jireen ciidamada Midowga Afrika.
Dadka deegaanka ayaa si gaar ah uga walaacsan waxa dhici kara haddii ciidamada Midowga Afrika ay degmada ka baxaan iyadoo aan la diyaarin ciidamo Soomaaliyeed oo awood u leh inay si buuxda ula wareegaan sugidda amniga.
Al-Shabaab ayaa weli dhaqdhaqaaqyo ka wada deegaanno ku dhow Buurhakaba, taas oo sii kordhisay cabsida laga qabo in bixitaanka ciidamada Midowga Afrika uu abuuro firaaq amni oo kooxda u sahli kara inay cadaadis dheeraad ah saarto degmada iyo waddooyinka ku xeeran.
Ilaa hadda si rasmi ah looma shaacin maalinta ay ciidamada Midowga Afrika ka bixi doonaan Buurhakaba, sidoo kalena ma cadda qorshaha ay Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed u diyaariyeen ciidamada beddelaya kuwa baxaya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaan weli si faahfaahsan uga hadlin qorshaha la sheegay ee bixitaanka ciidamada iyo sida loo xaqiijinayo in aysan degmada ka dhalan firaaq amni.
Haddii bixitaanku hirgalo, indhaha ayaa ku jeesan doona awoodda ciidamada Soomaaliyeed ee la wareegaya Buurhakaba, xilli Al-Shabaab ay weli joogitaan ku leedahay qaybo ka mid ah gobolka Baay.









