Khilaaf ka dhex qarxay Taliska CID-da oo hakiyay adeegyadii shacabka ee Muqdisho

Xiisad iyo jahawareer xooggan ayaa maanta laga soo sheegay xarunta Dambi Baarista ee CID-da ee magaalada Muqdisho, kaddib khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay hoggaanka xarunta iyo xubno la xiriira taliska sare ee Booliiska Soomaaliyeed. Khilaafkaan ayaa sababay in gebi ahaanba hakad la geliyo adeegyadii ay xaruntu siin jirtay shacabka Soomaaliyeed, halka sidoo kale la damiyay korontadii xarunta.
Sida ay ilo sare oo ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed xaqiijiyeen, muranka ayaa salka ku haya lacago dheeraad ah oo la sheegay in laga qaado muwaadiniinta adeegyada u doonta xarunta CID-da. Lacagahaas ayaa lagu eedeeyay in lagu shubo lambaro gaar ah oo aan ku jirin nidaamka rasmiga ah ee dowladda loogu ururiyo dakhliga.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada ee CID-da, Ibrahim Dhaayow, uu si adag uga horyimid habkaasi, isagoo ku dooday in lacagaha laga qaadayo shacabka ay yihiin kuwo sharci darro ah islamarkaana dhaawacaya sumcadda hay’adaha amniga dowladda.
Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in Mahad Muuse Cadde, oo dhawaan loo magacaabay Taliyaha Waaxda Faraha ee CID-da isla markaana ah walaalka Mako Muuse Cadde xaaska Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed — lagu eedeeyay inuu cadaadis saarayo saraakiisha iyo shacabka adeegyada u yimaada xarunta. Saraakiil ka tirsan CID-da ayaa sheegay in Mahad uu mararka qaar adeegsanayo magaca iyo awoodda taliye sare si uu ugu handado saraakiil ka sarreysa ama uga hortaga arrimaha lagu muransan yahay.
Khilaafkan sii xoogeysanaya ayaa maanta si toos ah u saameeyay howlaha shaqo ee xarunta CID-da, iyadoo boqolaal qof oo adeegyo kala duwan u yimid xarunta ay dib ugu laabteen iyaga oo aan helin adeegii ay u baahnaayeen.
Ilo ku dhow maamulka xarunta ayaa sheegay in xaaladdu cirka isku shareertay markii korontada xarunta la damiyay, arrintaas oo lagu sheegay inay timid kadib amar uu bixiyay Taliyaha CID-da, si looga hortago faragelin iyo shaqo hakad la’aan ka dhacda gudaha xarunta









