LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sawirro:- Ciidanka DANAB oo u daatay Saldhigyadii Al-Shabaab & xaaladds oo..

Ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan ururada 161-aad iyo 164-aad ee Guutada 16-aad Danab, ayaa howlgal ballaaran oo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaannada Baladul Amiin iyo Masiireey ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Howlgalkan oo qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu sugayo amniga guud ee dalka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaqiijinta nabadgelyada deegaannada howlgalka laga sameeyay, iyadoo ciidamada ay sameeyeen kormeerro iyo baaritaanno amni oo lagu hubinayay xaaladda guud ee deegaanka.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in ciidamada ay si buuxda u xaqiijiyeen amniga iyo xasiloonida Baladul Amiin iyo Masiireey, islamarkaana aysan jirin wax qalqal amni ah oo saameyn ku yeeshay shacabka ku nool halkaasi.

Ciidamada Danab ayaa inta howlgalka uu socday la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka, iyagoo shacabka ku dhiirrigeliyay in ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka si loo adkeeyo nabadda iyo wada shaqeynta bulshada iyo ciidamada dowladda.

Howlgalkan wadajirka ah ayaa sidoo kale muujinaya diyaargarowga iyo awoodda Ciidamada Kumaandooska Danab ee ku aaddan sugidda amniga iyo ciribtirka kooxaha amniga lidka ku ah ee mararka qaar dhibaatooyinka ka geysta gobolka Shabeellada Hoose.

Dadka deegaanka ayaa soo dhaweeyay howlgalka, iyagoo tilmaamay in joogitaanka ciidamada uu sare u qaaday kalsoonida shacabka iyo xasilloonida deegaanka.

Taliska Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab ayaa xusay in howlgaladan amni xaqiijinta ah ay sii socon doonaan, si shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan jawi nabdoon oo ka fog cabsi iyo qalalaase.

Gobolka Shabeellada Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ciidamada dowladda Soomaaliya si joogto ah uga wadaan howlgallada lagu sugayo amniga, iyadoo ciidamada Danab ay door muhiim ah ka qaataan dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo badqabka bulshada Soomaaliyeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *