LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Wiil Saddex Sano jir ah oo kamid noqday Dadka ku dhintay dagaalkii Deyniile

Waxaa isa soo taraya khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay dagaal culus oo xalay ka dhacay xaafadda Warlaliska ee degmada Deyniile, Gobolka Banaadir, kaas oo saameyn xooggan ku yeeshay shacabka deegaanka.

Dadka ku dhintay iska horimaadka ayaa waxaa kamid ah wiil yar oo saddex sano jir ahaa, laguna magacaabi jiray Muzamil Yuusuf Cismaan, kaas oo la sheegay in rasaas ugu tagtay gudaha hoygiisa islamarkaana halkaasi ay ku dishay.

Geerida wiilka yar ayaa si weyn uga nixisay shacabka, waxaana tacsi ka diray mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed oo ay kamid yihiin Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Qoraal uu soo saaray Xasan Cali Kheyre ayuu ku yiri:

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska Musamil Yuusuf Cismaan oo ah wiil yar oo 3 jir ah oo ka mid ah shacabkii ay ciidanka dowladdu caawa ku gumaadeen waaxda Kordamac ee degmada Deyniile. Waxaan Alle ka baryayaa in uu u naxariisto dadkii ay caawa ciidanka dowladdu ku dileen Deyniile, una boogadhayo shacabkii ay dhaawaceen.”

Kheyre ayaa sidoo kale dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay shacabka u adeegsaneyso awood ciidan, isaga oo sheegay in xaaladda ka taagan Deyniile ay tahay “musiibo qaran” iyo falal lidi ku ah badqabka shacabka rayidka ah.

Illaa iyo hadda dowladda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah ugama hadlin khasaaraha ka dhashay dagaalka xalay ka dhacay degmada Deyniile, iyadoo shacabka deegaanka ay ka cabanayaan xaaladda amni iyo rasaasta ka dhacaysa xaafadaha dadka rayidka ah degan yihiin.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *