Burburin ka billaabatay saaka xaafado ka tirsan Muqdisho iyo xaaladda oo kacsan

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo wata gaadiidka cagaf-cagafyadda ayaa saaka howlgal burburin ah ka bilaabay xaafado horleh oo ka tirsan gobolka Banaadir, iyadoo shacabka deganaa goobahaasi ay sheegeen in xilli ay jiifeen lagu dul bilaabay duminta guryahooda.
Goobaha saaka ay burburinta ka dhacday ayaa waxaa kamid ah xaafadda Cisman Heesoow ee degmada Shibis iyo xaafadda Jiira-Garoob ee degmada Yaaqshiid, halkaas oo laga dareemayay cabsi iyo jahwareer ka dhashay howlgalka ay wadeen ciidamada dowladda.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada oo wata cagaf-cagafyo ay gudaha u galeen xaafadaha aroortii hore, islamarkaana bilaabeen burburinta guryo ay dadka shacabka ah deganaayeen, iyadoo aan qaarkood la siin waqti ay uga saartaan hantidooda.
Qaar kamid ah shacabka ku nool xaafadaha la burburinayo ayaa madaxda dowladda ku eedeeyay in dhulka iyo guryaha qaarkood laga iibiyay ganacsato, kadibna ciidamada loo adeegsaday sidii dadka looga saari lahaa goobahaasi.
“Guryaha qaarkood sharci ayaan ku deganeyn, balse maanta ciidamada ayaa nala yimid cagafyo si ay nooga dumaan,” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta.
Waxaa sidoo kale la sheegay in qaar kamid ah qoysaskii deganaa xaafadahaasi ay durba barakaceen, halka kuwo kale ay wali diidan yihiin in guryahooda laga saaro, taas oo keentay muran iyo isku dhac hadal ah oo dhexmaray shacabka iyo ciidamada howlgalka waday.
Burburinta saaka ka dhacday degmooyinka Shibis iyo Yaaqshiid ayaa kusoo aadeysa xilli muddo xileedka dowladda federaalka uu geba-gabo marayo, iyadoo muddooyinkii dambe ay soo kordhayeen cabashooyin la xiriira burburinta guryo ay degan yihiin shacabka ku nool gobolka Banaadir.









