Dowladda oo Ciidamo farabadan geysay Isbitaallada Muqdisho & dhaawac lagala baxay

Magaalada Muqdisho ayaa wajahaysa xaalad amni iyo siyaasadeed oo sii cakiraysa, kadib markii warar isa soo taraya ay sheegayaan in ciidamo katirsan dowladda lagu daadiyey qaar kamid ah isbitaalada waaweyn ee caasimadda, xilli ay weli taagan tahay xiisaddii ka dhalatay dagaalkii dhawaan ka dhacay deegaanka Warlaliska.
Sida ay sheegayaan xogaha la helayo, ciidamadaasi ayaa la sheegay in loo diray isbitaalada si ay ula socdaan ama ula wareegaan qaar kamid ah askarta deegaanka ee ku dhaawacmay dagaalka ka dhacay Warlaliska, halkaas oo la tilmaamay in dagaal culus uu ku dhex maray ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad deegaanka taageero ka helayay.
Wararka ayaa intaas ku daraya in mid kamid ah askarta deegaanka ee dhaawaca culus qaba laga kaxeeyey isbitaal kuyaalla Muqdisho, iyadoo tallaabadaasi lagu fasiray mid lagu cadaadinayo dadka deegaanka si looga hortago inay mar kale abaabul dagaal sameeyaan.
Goobjoogayaal iyo ilo caafimaad ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaqyada ciidamada ay cabsi ku abuureen bukaanada iyo ehellada ku sugnaa qaar kamid ah xarumaha caafimaadka, iyadoo la dareemayo jawi amni oo aad u kacsan.
Dhanka kale, xaaladda guud ee Muqdisho ayaa lagu tilmaamayaa mid “Gees ka Gees u kacsan”, iyadoo meelo badan laga dareemayo cabsi, qeylo dhaan iyo dhaq-dhaqaaqyo amni oo aan caadi ahayn. Magaalada ayaa sidoo kale wajahaysa culeys siyaasadeed oo sii kordhaya, xilli mucaaradka dowladda ay wadaan qabanqaabada banaanbaxyo la sheegay inay ka dhici doonaan Muqdisho maalmaha soo socda.









