LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Wiil Dhalinyaro Soomaali ah oo lagu dilay dalka Kenya iyo walaac xoogan oo laga muujiyay

Duleedka Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa waxaa lagu dilay wiil Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Aadan Maxamed, sida ay sheegayaan warar laga helayo deegaanka.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu ka soo baxay Xerada Qaxootiga Dhadhaab, waxaana dilkiisa uu ka dhacay meel lagu magacaabo Modika oo waxyar u jirta magaalada Gaarisa. Ilaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa falka dilka ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo ka tirsan booliska ay gaareen goobta uu falka ka dhacay, halkaas oo ay ka wadaan baaritaanno la xiriira dhacdada. Laamaha ammaanka ee Kenya weli kama aysan hadlin dilka wiilkan Soomaaliyeed.

Dhacdadan ayaa cabsi iyo walaac ku abuurtay dadka ku nool deegaanka, gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan xerada Dhadhaab iyo nawaaxigeeda, iyadoo la sugayo faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxda hay’adaha ammaanka ee dalka Kenya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *