Mustaf Dhuxulow iyo Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ku biiray mucaaradka lana kulmay Sheekh Shariif

Waxaa isa soo taraya dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda magaalada Muqdisho, kaddib markii Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadaha Mustaf Dhuxulow ay kulan gaar ah la yeesheen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Kulankan oo ka dhacay hoyga Sheekh Shariif ayaa lagu soo waramayaa in diiradda lagu saaray dar-dar gelinta shirar abaabulan oo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka, xilli muddo xileedka Madaxweynaha hadda talada haya uu gebi ahaanba gabaabsi yahay.
Wararka laga helayo ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in dhinacyadu ay isla soo qaadeen sida loo mideyn karo dadaallada mucaaradka iyo abaabulka kulamo waaweyn oo la filayo inay ka dhacaan Muqdisho toddobaadyada soo socda.
Dhanka kale, waxaa isa soo taraya walaaca laga qabo amniga caasimadda, iyadoo shacabka Muqdisho ay muujinayaan cabsi la xiriirta isbedelka siyaasadeed ee degdegga ah iyo suurtagalnimada qalalaase amni.
Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa tilmaamaya in marxaladdan ay tahay mid xasaasi ah, islamarkaana u baahan in si taxaddar leh loo maareeyo, si looga fogaado khilaafyo hor leh oo saameyn ku yeesha xasilloonida dalka.
Si kastaba ha ahaatee, weli ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay dhinacyada kulanka yeeshay, iyadoo indhaha lagu hayo sida ay xaaladdu isu beddesho maalmaha iyo toddobaadyada soo socda.









