Weerar lagu qaaday gaari ambalaas oo ka dhacay buuraha Calmiskaad & Askar la la’yahay

Wararka laga helayo buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari Puntland ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday gaari ambalaas ah oo ka soo laabtay goob ay ka soo qaadayeen askar ku dhaawacantay dagaal habeen hore dhex-maray ciidamada Puntland iyo maleeshiyo ka tirsan Ururka Daacish.
Weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka Daraymadoobe oo ku yaalla togga Jaceel, kana dhaxeeya deegaannada Dhaadaar iyo Tuurmasaale. Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in weerarka lagu dilay ugu yaraan hal askari, halka la la’yahay dhakhtar ka mid ahaa shaqaalaha la socday gaariga ambalaaska.
Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in askar kale oo la socotay gaariga ay ka badbaadeen weerarka, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin tirada khasaaraha dhabta ah.
Ilaa hadda, ciidamada Puntland wax war ah kama aysan soo saarin weerarkan, sidoo kale ma jirto faahfaahin dheeraad ah oo laga bixiyay dagaalkii habeen hore ka dhacay deegaanka Dhaadaar, kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Xaaladda deegaannadaas ayaa weli cakiran, iyadoo isgaarsiinta taleefoonada ay ka go’an tahay, kadib markii sida la sheegay ay jareen dagaalyahannada Daacish. Arrintan ayaa si weyn u adkaysay helitaanka warar madax bannaan oo laga xaqiijiyo dhacdooyinka ka socda halkaasi.
Muddooyinkii u dambeeyay, waxaa kordhayay weerarada ay kooxdu ka fulinayso buuraha Calmiskaad, kuwaas oo caqabad ku noqday ammaanka iyo isu socodka deegaannada gobolka Bari.









