Wiil Dhalinyaro Aqoonyahan ah oo lagu dilay Jowhar

Wararka laga helayo magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hir-Shabeelle ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay Maxamed Xasan Warsame oo kamid ahaa dhalinyarada aqoonyahanada ah ee reer Jowhar.
Sida ay sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo, marxuumka ayaa xilliga la dilayay ku sugnaa maqaaxi ku taalla magaalada, waxaana ku dhacday xabad wiifto ah oo aan weli la ogeyn halka laga soo riday. Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa tuhunsan in dilka uu ahaa mid qorsheysan, inkastoo aysan jirin caddeymo rasmi ah oo arrintaasi xaqiijinaya.
Maxamed Xasan Warsame ayaa hore uga tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Hir-Shabeelle, waxaana lagu tilmaamay shaqsi dhalinyaro ah oo aqoon iyo karti leh.
Meydka marxuumka ayaa goobta laga qaaday, waxaana la wareegay ehelkiisa kuwaas oo sheegay inay diyaarinayaan aaskiisa.
Ilaa iyo hadda, maamulka iyo laamaha ammaanka ee magaalada Jowhar kama aysan bixin wax faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan dilka, waxaana weli socda baaritaanno la xiriira dhacdadaasi.
Dilkan ayaa kusoo beegmaya xilli amniga magaalada Jowhar uu ahaa mid deggan, waxaana dhacdadan ay walaac ku abuurtay bulshada ku nool magaalada.









