Golaha Mustaqbalka oo Muqdisho ka billaabaya qorsho ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh

Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Muqdisho ay dib ugu soo laabtaan siyaasiyiin mucaarad ah oo ka tirsan Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Siyaasiyiintan ayaa waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaayaal hore oo ay ka mid yihiin Xasan Cali Khayre, Maxamed Xuseen Rooble iyo Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), sidoo kale waxaa ku jira xildhibaanno ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Cabduqaadir Cosoble Cali, iyo xubno kale oo saameyn siyaasadeed leh.
Maalmihii la soo dhaafay, siyaasiyiintan ayaa kulamo gaar ah ku yeeshay Nairobi, halkaas oo ay kaga arrinsanayeen xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan mustaqbalka dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in kulamadaasi diiradda lagu saaray tallaabooyinka laga qaadi karo haddii dowladda ay sameysato muddo kororsi.
Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in marka ay Muqdisho gaaraan, ay bilaabi doonaan kulamo siyaasadeed iyo abaabullo ay ku doonayaan inay cadaadis ku saaraan dowladda federaalka. Sidoo kale, waxaa la filayaa in ay qaadaan tallaabooyin dheeraad ah marka uu soo dhowaado ama dhammaado muddo xileedka dowladda hadda jirta.
Dhaqdhaqaaqyadan cusub ee mucaaradka ayaa imaanaya xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo sii kordheysa, taas oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo hufnaanta geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee dalka.
Lama oga sida ay dowladda uga falcelin doonto qorshayaashan, balse waxaa la filayaa in toddobaadyada soo socda ay muuqan doonaan isbeddello siyaasadeed oo saameyn ku yeelan kara jihada siyaasadda Soomaaliya.









