Wiil Dhalinayaro ah oo lagu dilay degaanka Ceelasha Biyaha iyo wararkii ugu dambeeyay

Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo loo geystay nin dhalinyaro ah oo la sheegay in ay toogteen koox bistoolado ku hubeysan.
Goobjoogayaal ku sugan deegaanka ayaa sheegay in kooxo hubeysan ay si lama filaan ah rasaas ugu fureen wiilka dhalinyarada ahaa, xilli uu ku sugnaa mid kamid ah xaafadaha deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana la xaqiijiyay in uu goobta ku geeriyooday dhaawacii kasoo gaaray rasaasta.
Dadka deegaanka qaarkood ayaa sheegay in ninkan uu hore uga tirsanaa kooxo dhalinyaro ah oo dhibaatooyin amni ka waday deegaanka, kuwaas oo lagu eedeeyo falal ay kamid yihiin dhaca shacabka, weerarro loo adeegsado tooreeyo iyo cabsi gelin lagu hayay dadka deegaanka.
Wararka laga helayo dadka deegaanka ayaa tilmaamaya in marxuumka uu kamid ahaa dhalinyaro si weyn looga caban jiray, islamarkaana lagu tuhunsanaa falal amni darro ah oo muddooyinkii dambe kusoo badanayay Ceelasha Biyaha.
Ilaa hadda lama oga cidda ka dambeysay dilka loo geystay wiilkaasi, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka oo ku saabsan dhacdadaasi. Ciidamo ka tirsan ammaanka ayaa la sheegay inay gaareen goobta dilku ka dhacay, iyagoo halkaasi ka sameeyay baaritaanno la xiriira dhacdada.









