LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Nin dilay Hooyo uur leh iyo Wiilkeedii oo toogasho Maanta lagu fuliyay

Maxkamadda ku taalla degmada Badhan ee Gobolka Sanaah ayaa maanta ku fulisay xukun qisaas ah oo lagu riday nin lagu helay dilkii marxuumad uur lahayd iyo wiilkeedii, kuwaas oo bilowgii sanadkii 2024 lagu dilay deegaanka Calmadow.

Kiiskan oo muddo soo jiitamayay ayaa si weyn looga hadal hayay deegaannada gobolka Sanaag, maadaama uu la xiriiray fal dil ah oo naxdin iyo caro ka dhaliyay bulshada deegaanka.

Sida ay sheegeen ilo deegaanka ah, labada beelood ee ay kasoo kala jeedeen eedeysanaha iyo qoyska dhibbaneyaasha ayaa hore uga heshiiyay qeybo kamid ah kiiska, kaddib wada-hadallo iyo kulamo dhaqan oo muddo socday.

Heshiiskaas ayaa lagu sheegay in laga heshiiyay magta haweeneydii la dilay, iyadoo si rasmi ah loo bixiyay jifidii la isku afgartay. Sidoo kale, waxaa la sheegay in qoysku ay cafiyeen ilmaha uurka ku jiray xilliga falka uu dhacay.

Hase yeeshee, wiilka yar ee la dilay ayay maxkamaddu ku xukuntay qisaas, iyadoo dhinacyada kiiska ay sheegeen inay ku wada qanceen go’aanka ay gaartay shareecada Islaamka iyo maxkamaddu.

Saaka ayay ciidamada ammaanka iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada goob fagaare ah oo ku taalla Badhan ka fuliyeen xukunka qisaasta ah, iyadoo ay goobta ku sugnaayeen qeybaha kala duwan ee bulshada, odayaal dhaqameed iyo ehellada labada dhinac.

Masuuliyiinta maxkamadda ayaa sheegay in fulinta xukunka ay daba socotay dhammaan marxaladihii garsoorka iyo heshiisyadii dhaqanka ee laga gaaray dhacdada, iyagoo xusay in kiiskan uu tusaale u yahay isku dhafka garsoorka shareecada iyo xalinta khilaafaadka dhaqanka ee bulshada Soomaaliyeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *