LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Cabdirashiid Janan oo Abaabul dagaal ka billaabay degaano ka tirsan Gobolka Gedo

Taliyaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), ahna Hoggaanka Guud ee Amniga Gobolka Gedo, Cabdirashiid Janan ayaa saaka kulan ballaaran la qaatay ciidamada qalabka sida ee ku sugan Saldhiga UK ee degmada beled-Xaawo ee gobolka Gedo, isagoo farriin adag u diray ciidamada ku aaddan xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Kulanka oo ahaa mid lagu dhiirrigelinayay ciidamada ayaa Taliyuhu waxa uu si cad ugu amray ciidamada inay heegan buuxa galaan isla markaana ay u diyaar garoobaan guluf xooggan oo lagu ciribtirayo Al-Shabaab iyo cid kasta oo gacan siinaysa kooxahaasi, si guud ahaan gobolka Gedo looga xoreeyo khatarta amni ee ay maleegayaan.

Cabdirashiid Janan ayaa sheegay in ciidamada looga baahan yahay inay labanlaabaan dadaallada lagu sugayo amniga, isla markaana ay shacabka ka ilaaliyaan falalka qalqalgelinta iyo weerarada ay qorsheynayaan Al-Shabaab. Waxa uu tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xasilinta guud ee gobolka iyo in la xoojiyo wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada deegaanka.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa ciidamada ku boorriyay inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, gaar ahaan xilliyada ay socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga hortago wax kasta oo amniga wax u dhimaya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *