LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Maamulka Koonfur Galbeed oo War kasoo saaray dagaalka Baydhabo, kuna dhawaaqay inay dileen maleeshiyaad…

Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed rasmi ah kasoo saartay weerar xalay ka dhacay fariisimo ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin duleedka magaalada Baydhabo.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in dagaalka uu bilowday abaare 02:30 habeenimo, kadib markii maleeshiyaad hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidamo kale oo taabacsan Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ay weerar ku qaadeen xerooyin ciidan oo ku yaalla deegaanka ku dhow Baydhabo.

Wasaaradda Amniga ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ay si degdeg ah uga hortageen weerarkaasi, islamarkaana ay dagaal culus la galeen kooxihii weerarka soo qaaday.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda ay gaarsiiyeen khasaaro xooggan dhinacyadii weerarka soo qaaday, iyadoo la xusay in ugu yaraan labo gaari oo dagaal lagu gubay, tiro kalena lagu dhaawacay dagaalka dhacay.

Qoraalka Wasaaradda waxaa kale oo lagu sheegay in ciidamada ammaanku ay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad ciidan intii uu socday iska horimaadka, isla markaana xaaladda guud ee deegaanka ay haatan degan tahay.

Dhanka kale, Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed ayaa shacabka ugu baaqday inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, kana fogaadaan wax kasta oo keeni kara qalqal amni ama taageero loo fidiyo kooxaha hubeysan.

Ugu dambeyn, Wasaaradda ayaa caddeysay inay sii wadeyso howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan ee ka howlgala deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *