Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Wararkii ugu dambeeyay: Ciidamada dowladda oo lagu weeraray waddada Leego

    8 November 2026

    Xuutiyiinta Yemen oo Al-Shabaab ku taageeraya Drones iyo hub casri ah & DF oo digniin soo…

    8 November 2026

    Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu dowladnimadii Soomaaliya u beddelay mashruuc dano qabiil ku dhisan

    8 November 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Sawirro:- Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay Xildhibaano mucaaradsanaa kuna qanciyay qabsoomida…
    LATEST NEWS

    Sawirro:- Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay Xildhibaano mucaaradsanaa kuna qanciyay qabsoomida…

    Banaadir24 EditorBy Banaadir24 Editor21 April 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BJFS), Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa kulan gaar ah la yeeshay qaar kamid ah xildhibaannada matala deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo kulankaas diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee gobolka.

    Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay xildhibaanno horey loogu yaqaanay inay taageero weyn u hayeen Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, isla markaana si cad uga soo horjeeday qabashada doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda deegaanada maamulkaas.

    Sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah, Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa xildhibaannada kala hadlay muhiimadda ay leedahay in la hirgeliyo nidaamka doorasho ee qof iyo cod, kaas oo loo arko mid horseedi kara hannaan dimuqraadiyadeed oo hufan, kana tarjuma rabitaanka shacabka ku nool Koonfur Galbeed.

    Wararka la helayo ayaa sidoo kale tilmaamaya in Guddoomiyuhu ku guuleystay inuu qanciyo inta badan xildhibaannadii kulanka ka qeyb galay, si ay u taageeraan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah oo si nabad ah uga dhacda guud ahaan degmooyinka Koonfur Galbeed.

    Dhinaca kale, waxaa isa soo taraya warar sheegaya in Guddoomiye Aadan Madoobe uu damac siyaasadeed ka leeyahay hoggaanka Koonfur Galbeed, iyadoo la rumeysan yahay inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedkaas. Arrintan ayaa la sheegay inay qeyb ka tahay dadaallada uu ku doonayo inuu ku kasbado taageerada siyaasiyiinta iyo xildhibaannada kasoo jeeda deegaannadaas.

    Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa aaminsan in haddii xildhibaannadii hore uga soo horjeeday doorashada qof iyo cod ay hadda u janjeeraan taageeradeeda, ay taasi muujin karto isbeddel weyn oo ku yimid jihada siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, isla markaana saameyn ku yeelan karta doorashooyinka soo socda.

    Ugu dambeyn, kulanka Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu la yeeshay xildhibaannadan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah dadaallada lagu doonayo in Koonfur Galbeed ay ka gudubto nidaamka doorashooyinka dadban una gudubto doorasho toos ah oo ay shacabka si buuxda uga qeyb qaataan.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleWeerar lagu qaaday gaari ambalaas oo ka dhacay buuraha Calmiskaad & Askar la la’yahay
    Next Article Ra’iisul Wasaare Xamse oo ku dhawaaqay hadal ka nixiyay Siyaasiyiinta mucaaradka
    Banaadir24 Editor
    • Website

    Related Posts

    Wararkii ugu dambeeyay: Ciidamada dowladda oo lagu weeraray waddada Leego

    8 November 2026

    Xuutiyiinta Yemen oo Al-Shabaab ku taageeraya Drones iyo hub casri ah & DF oo digniin soo…

    8 November 2026

    Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu dowladnimadii Soomaaliya u beddelay mashruuc dano qabiil ku dhisan

    8 November 2026

    Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan

    7 November 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Wararkii ugu dambeeyay: Ciidamada dowladda oo lagu weeraray waddada Leego

    By Banaadir248 November 20260

    Muqdisho (Banaadir24) — Warar laga helayo ilo xog-ogaal ah oo ka tirsan Taliska Ciidanka Xoogga…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Xuutiyiinta Yemen oo Al-Shabaab ku taageeraya Drones iyo hub casri ah & DF oo digniin soo…

    8 November 2026

    Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu dowladnimadii Soomaaliya u beddelay mashruuc dano qabiil ku dhisan

    8 November 2026

    Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan

    7 November 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Wararkii ugu dambeeyay: Ciidamada dowladda oo lagu weeraray waddada Leego
    • Xuutiyiinta Yemen oo Al-Shabaab ku taageeraya Drones iyo hub casri ah & DF oo digniin soo…
    • Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu dowladnimadii Soomaaliya u beddelay mashruuc dano qabiil ku dhisan
    • Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan
    • Xiisad dagaal oo ka taagan Baydhabo, ciidamo taabacsan Laftagareen oo magaalada…

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d