LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Weerar lagu dilay lix Ruux oo Maanta ka dhacay duleedka Mandheera & Al-Shabaab oo..

Wararka ka imanaya gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in weerar hubeysan lagu qaaday gaari Homey ah oo ku sii jeeday deegaanka Arabia ee ismaamulka Mandera.

Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Hareri Hosle, xilli gaariga uu siday dad rayid ah oo u socday munaasabad Qur’aan sanadle ah oo lagu qabanayay deegaanka Arabia.

Sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah, ugu yaraan lix qof ayaa ku geeriyootay weerarkaasi, halka tiro kale oo dad ah ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo qaarkood xaaladdooda caafimaad lagu sheegay mid culus.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in koox hubeysan ay rasaas culus ku furtay gaariga, taasoo sababtay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca leh ee soo gaaray dadka rakaabka ahaa. Ilaa hadda lama oga tirada saxda ah ee dadka dhaawacmay.

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa gaaray goobta uu weerarku ka dhacay, iyaga oo bilaabay howlgallo lagu baadi goobayo kooxdii ka dambeysay falkaasi. Saraakiisha ammaanka wali si rasmi ah ugama hadlin cidda ka dambeysay weerarka.

Deegaanka Mandera iyo nawaaxigiisa ayaa marar badan waxaa ka dhacay weerarro amni darro la xiriira, kuwaasi oo qaarkood lagu eedeeyay kooxda Al-Shabaab oo weerarro ka fulisa qeybo kamid ah xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *