Guddiga Doorashooyinka oo habraac cusub kasoo saaray doorashooyinka Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa goordhow soo saaray habraac cusub oo la xiriira doorashooyinka qof iyo codka ah ee lagu wado inay berri ka dhacaan deegaannada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in habraacan cusub uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xaqiijinayo hufnaanta, amniga iyo habsami u socodka doorashada, iyadoo la adkeeyay in dhammaan shacabka codbixiyeyaasha ah ay u hoggaansamaan tilmaamaha la dejiyay.
Guddiga ayaa sheegay in goobaha codbixinta la furi doono saacadaha hore ee subaxda, islamarkaana la diyaariyay shaqaale iyo agabkii loogu talagalay in doorashadu u dhacdo si nabad ah. Waxaa sidoo kale la faray ciidamada amniga inay si dhow ula shaqeeyaan guddiyada goobaha codbixinta si looga hortago wax kasta oo qalqal gelin kara amniga.
Habraaca cusub ayaa waxaa kamid ah in codbixiyeyaasha ay soo bandhigaan aqoonsiyada loo asteeyay doorashada, islamarkaana aan loo oggolaan doonin qof aan diiwaangashaneyn inuu cod dhiibto. Guddiga ayaa sidoo kale mamnuucay in hub lagu dhex qaato goobaha codbixinta, marka laga reebo ciidamada amniga ee shaqada ku jira.
Waxaa la tilmaamay in warbaahinta gudaha iyo kuwa caalamiga ah loo oggolaan doono inay si xor ah uga howlgalaan goobaha doorashada, balse laga doonayo inay ilaaliyaan anshaxa iyo xeerarka doorashada.
Doorashadan qof iyo codka ah ayaa noqonaysa mid si weyn isha loogu hayo, iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay hore u sheegtay inay ka go’an tahay hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka, inkastoo ay jiraan siyaasiyiin iyo qeybaha bulshada kamid ah oo walaac ka muujinaya hannaanka loo wajahayo doorashooyinka.
Dhanka kale, amniga magaalooyinka iyo degmooyinka lagu qabanayo doorashada ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana waddooyinka muhiimka ah la dhigay ciidamo dheeraad ah si loo xaqiijiyo nabadgelyada goobaha codbixinta iyo shacabka ka qeybgalaya doorashada.










