Mucaaradka oo ka shiraya abaabulka bannaanbaxa Go’aano culusna soo saaraya

Goordhow ayaa Hotel Jasiira ee magaalada Muqdisho waxaa ka furmay kulan ballaaran oo ay leeyihiin siyaasiyiinta mucaaradka dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo diiradda lagu saarayo abaabulka ugu dambeeya ee bannaanbaxa weyn ee lagu dhawaaqay inuu berri ka dhaco magaalada Muqdisho.
Kulankan ayaa imanaya xilli ay cirka isku sii shareereyso xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay muranka doorashooyinka, cabashada laga qabo xaaladda amniga, iyo burburinta lagu sameeyay qaar kamid ah dhulalka ay deganaayeen shacabka ku nool degmooyin ka tirsan caasimadda.
Wararka laga helayo goobta kulanka ayaa sheegaya in ay goobjoog ka yihiin qaar kamid ah qoysaskii laga barakiciyay dhulalka dowladda sheegtay inay yihiin danta guud, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay ka cabanayay burburin ay ciidamada dowladda iyo gaadiidka cagaf-cagafyadu ka fuliyeen xaafado kamid ah Muqdisho.
Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa la filayaa inay kulankooda maanta kasoo saaraan go’aanno muhiim ah oo ku saabsan qaabka loo wajahayo bannaanbaxa berri iyo amniga madaxda mucaaradka ee ka qeybgalaysa mudaharaadka.
Mucaaradka ayaa qorsheynaya inay si rasmi ah u shaaciyaan goobaha kala duwan ee lagu qaban doono bannaanbaxyada Muqdisho, iyadoo la filayo in degmooyin dhowr ah laga abaabulo isu soo baxyo waaweyn.
Waxaa sidoo kale socda qorshe ku saabsan diyaarinta ciidamo ilaalo gaar ah u noqon doona siyaasiyiinta mucaaradka ee ka qeybgalaya bannaanbaxa, iyadoo laga cabsi qabo isku dhacyo amni ama carqalado dhici kara inta uu socdo mudaharaadka.
Kulanka ayaa lagu wadaa in lagu magacaabo guddi hoosaadyo kala hoggaamiya bannaanbaxyada ka dhacaya goobaha kala duwan iyo xaafadihii dhawaan la burburiyay, si loo mideeyo abaabulka shacabka iyo isku dubbaridka mudaharaadyada.
Mucaaradka ayaa sidoo kale qorsheynaya in qoysaskii laga saaray dhulalka la burburiyay ay si toos ah uga qeybqaataan bannaanbaxyada, gaar ahaan goobihii laga raray, si ay u muujiyaan cabashadooda ku aaddan burburinta iyo barakaca ku yimid.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin qorshaha bannaanbaxyada berri, hase yeeshee laamaha ammaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday howlgallo iyo xarigyo lala xiriirinayo dhalinyaro iyo shaqsiyaad lagu eedeeyay inay abaabulayeen isu soo baxyada mucaaradka.









