DUNIDALATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Weerar lagu dilay Askar ka tirsan Ciidanka Uganda oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar jidgal ah oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, xilli ay ku socdaalayeen duleedka deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in weerarka kadib uu halkaasi ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada Uganda iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dagaalkaasi uu sababay khasaaro soo kala gaaray labada dhinac, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin tirada dhabta ah.

Al-Shabaab oo war ka soo saartay weerarkaasi ayaa sheegatay mas’uuliyadda, iyagoo ku faanay inay dileen ugu yaraan afar askari oo ka tirsan ciidamada Uganda, isla markaana ay waxyeelo gaarsiiyeen mid ka mid ah gaadiidkooda dagaalka.

Dhinaca kale, saraakiisha ciidamada Uganda weli kama aysan hadlin weerarkaasi iyo khasaaraha ka dhashay, taasoo ka dhigeysa xogta mid aan wali si madax-bannaan loo xaqiijin.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa marar badan noqday goob ay ku dagaalamaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM/AUSSOM iyo Al-Shabaab, iyadoo weerarrada jidgalka ah ay ka mid yihiin xeeladaha ugu badan ee ay kooxdaasi adeegsato.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *