Kooxda Daacish oo Xoolo iyo Dad ka Afduubtay degaano ka tirsan Puntland

Wararka laga helayo deegaanka Toga Jeceel ee Buuraleyda Gobolka Bari, gaar ahaan inta u dhaxaysa Curaar iyo Daramadow, ayaa sheegaya in xalay ay halkaasi weerar ka geysteen dagaalyahanno ka tirsan kooxda Daacish.
Kooxda ayaa lagu soo waramayaa inay xoog ku kaxaysteen xoolo fara badan oo ay lahaayeen reer miyiga deegaankaasi degan. Sidoo kale, waxaa la xaqiijiyay inay afduubteen laba nin oo ka mid ah dadka deegaanka, kuwaasi oo ilaa iyo hadda aan la ogeyn halka ay geeyeen ama xaaladdooda.
Ilaa iyo waqtigan, laamaha ammaanka ee Maamulka Puntland kama aysan soo saarin wax war ah oo rasmi ah oo ku saabsan dhacdadan, inkastoo Puntland ay dagaal kula jirto kooxda Daacish ee ka howlgasha buuraleyda Gobolka Bari.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay sii kordhayaan weerarada ay kooxdu ka geysaneyso deegaannada miyiga ah, taasoo walaac ku abuurtay dadka ku nool aagaggaasi.









