Weerar gaadmo ah oo lagu dilay Askar ka tirsan Ciidamada Puntland

Ugu yaraan afar askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen kadib weerar gaadmo ah oo xalay lagu qaaday fariisimo ay ciidamada ku leeyihiin deegaanka Af-Curaar ee buuraha Calmiskaad, halkaasi oo maalmihii u dambeeyay ay ka socdeen hawlgallo ciidan oo lagu beegsanayay kooxda Daacish.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in dagaalyahanno hubeysan oo ka tirsan Daacish ay weerarka ku qaadeen ciidamo ku sugnaa fariisimo ku yaalla aagga buuraha, waxaana halkaasi ka dhacay iska horimaad culus oo socday muddo saacado ah.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in kooxda weerarka soo qaaday ay si lama filaan ah uga soo gudbeen dhulka buuraleyda ah, iyagoo bartilmaameedsaday ciidamada Puntland ee halkaasi ka waday howlgallada amniga lagu xaqiijinayo. Weerarka kadib ayaa la soo sheegayaa in ciidamada Puntland ay sameeyeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo gurmad dheeraad ah.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland ayaan wali si rasmi ah uga hadlin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka, hase yeeshee wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in ugu yaraan afar askari ay ku dhinteen halka tiro kale oo dhaawac ah loo qaaday goobo caafimaad.
Deegaanka Af-Curaar oo ka tirsan buuraha Calmiskaad ayaa muddooyinkii dambe ahaa goob ay ciidamada Puntland ka wadeen hawlgallo ka dhan ah kooxda Daacish, kuwaasi oo lagu doonayo in lagu burburiyo fariisimada kooxda ee ku dhuumaaleysanaya buuraha gobolka Bari.









