LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Soomaali ku geeriyootay Shil ka dhacay Gudaha dalka Kenya

Bas ay leedahay shirkadda Mabruuk oo ka baxay magaalada Nairobi kuna sii jeeday magaalada xuduudda ku taalla ee Moyale ayaa maanta shil culus ku galay mid ka mid ah waddooyinka waaweyn ee isku xira labada magaalo.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ugu yaraan afar qof ay ku dhinteen shilkaasi, halka tiro kale oo rakaab ah ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan, kuwaas oo qaarkood lagu tilmaamay kuwo halis ah.

Goob joogayaal ayaa sheegay in baska uu xawaare ku socday xilli uu gaaray meel adag oo waddada ka mid ah, kadibna uu lumiyay xakameyntii, taasoo sababtay inuu rogmo. Ciidamada ammaanka iyo gurmadka degdegga ah ayaa si dhaqso leh u gaaray goobta si ay u badbaadiyaan dadka dhaawacmay iyo inay qaadaan meydadka dadka dhintay.

Dadka dhaawacmay ayaa loo daadgureeyay isbitaallo ku yaalla deegaannada u dhow halka uu shilku ka dhacay, iyadoo maamulka caafimaadka uu sheegay in qaar kamid ah dhaawacyadu ay yihiin kuwo culus.

Mas’uuliyiinta dowladda iyo laamaha socdaalka waddooyinka ayaa bilaabay baaritaanno ku saabsan sababta rasmiga ah ee keentay shilka. Ilaa hadda lama shaacin tirada guud ee rakaabka saarnaa baska xilliga uu shilka dhacayay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *