LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Soomaaliya oo Kaalin lama filaan ah ka gashay dalalka ugu amniga wanaagsan Adduunka

Hay’adda caalamiga ah ee Institute for Economics and Peace ayaa soo saartay warbixinta sanadlaha ah ee loo yaqaan Global Peace Index 2025, taas oo lagu qiimeeyo heerka nabadda iyo xasilloonida dalalka dunida. Warbixintan oo ah tii 19-aad ayaa sheegtay in xaaladda amniga adduunka ay sii xumaaneyso, iyadoo colaadaha iyo xiisadaha caalamiga ah ay gaareen heerkii ugu sarreeyay tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Warbixinta ayaa qiimeysay 163 dal, kuwaas oo matalaya ku dhawaad 99.7% shacabka adduunka. Waxaa lagu cabbiray 23 tilmaamood oo ay ka mid yihiin:

  • amniga bulshada,
  • heerka colaadaha gudaha iyo dibadda,
  • argagixisada,
  • iyo militariga.

Soomaaliya ayaa sanadkan gashay kaalinta 151-aad ee 163 dal, taas oo ka dhigeysa mid weli ku jirta dalalka ugu nugul dhinaca amniga iyo xasilloonida. Si kastaba, warbixintu waxay muujisay in Soomaaliya ay wax yar ka soo hagaagtay marka loo eego sanadihii hore.

Qiimeynta Soomaaliya waxay ku timid:

  • weerarada joogtada ah ee Al-Shabaab,
  • colaadaha gudaha,
  • nuglaanta hay’adaha dowladda,
  • iyo xaaladaha bani’aadantinimo ee daba dheeraaday.

Dalka Soomaaliya ayaa ka sarreeyay qaar kamid ah dalalka ugu daran dhinaca colaadaha sida:

  • Burkina Faso,
  • Myanmar,
  • Mali,
  • South Sudan,
  • Syria,
  • Afghanistan,
  • Yemen,
  • Sudan,
  • Ukraine,
  • iyo Russia.

Warbixinta ayaa sheegtay in dalka Iceland uu yahay dalka ugu nabadda badan adduunka sanadkan 2025, halka Russia uu galay kaalinta ugu dambeysa ee nabadda.

10-ka dal ee ugu hooseeya dhanka nabadda waxaa kamid ahaa:

  1. Russia
  2. Ukraine
  3. Sudan
  4. DR Congo
  5. Yemen
  6. Afghanistan
  7. Syria
  8. South Sudan
  9. Israel
  10. Mali

Marka laga eego Kaalinta ay Soomaaliya ka gasha Nabadda 34 sano kadib ayaa waxaa ay muujineysaa in ay tahay mid amnigeeda uu soo hagaagayy, iyada oo dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay laba jibaareyso sugida Amniga Caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Warbixintaan ayaa waxaa lagu daabacay GPI-2025-web.pdf

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *