LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Wasiir Fiqi oo weerar AFka ah ku qaaday Siyaasiyiinta mucaaradka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa si adag u dhaliilay kooxo uu ku tilmaamay kuwa ku fashilmay hal-abuurkii siyaasadeed, islamarkaana maraya heerkii ugu hooseeyay ee kalsoonida shacabka, kuwaas oo uu ula jeedo siyaasiyiinta mucaaradka ee Muwdisho.

Qoraal uu soo saaray wasiirka ayaa lagu sheegay in kooxahaasi ay ku dhaqmaan “calaacal siyaasadeed” oo aan sal lahayn, isla markaana ay ku xadgudbaan anshaxa munaasabadaha bulshada sida aroosyada iyo kulamada kale ee xushmadda mudan, halkaas oo uu sheegay inay ka dhex faafiyaan hadallo iyo aragtiyo uu ku tilmaamay kuwo marin-habaabin ah.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale xusay in kooxahaasi ay lumiyeen taageeradii bulshada, taasoo keentay in ay qaadaan tallaabooyin uu ku tilmaamay kuwo liita, sida daabacaadda boorar ay ku qoran yihiin aflagaado iyo abaabulka mudaaharaadyo ka dhaca guryahooda.

“Dadka Soomaaliyeed horey ayay u arkeen kooxahan, badankoodna way ka leexdeen,” ayuu yiri wasiirka, isagoo intaas ku daray in xubnaha kooxahaasi ay yihiin kuwo hore xilal u soo qabtay balse ku fashilmay, isla markaana aan rajo badan laga qabin inay mar kale helaan kalsoonida shacabka.

Wuxuu kaloo ku eedeeyay inay xiriir la leeyihiin shaqsiyaad ajnabi ah oo uu sheegay inay door ku leeyihiin qalalaasaha dalal kale, isagoo tusaale u soo qaatay Mohamed Hamdan Dagalo (Xamiidati) iyo Aidarus al-Zoubaidi.

Ugu dambeyn, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka hortagi doonto isku day kasta oo lagu qalqal-gelinayo amniga iyo dowladnimada, isla markaana ay ka go’an tahay ilaalinta xasilloonida dalka iyo midnimada shacabka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *