Shuruuc xasaasi ah oo miiska saaran: Baarlamaanka oo dardar gelinaya ilaalinta xuquuqda shacabka

Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadantinimada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dejiyay qorshe lagu dardargelinayo dib-u-eegista iyo diyaarinta shuruuc muhiim u ah ilaalinta xuquuqda aadanaha.
Kulan uu guddigu ku yeeshay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, oo uu shir-guddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Xildhibaan Xirsi Aadan Rooble, ayaa diiradda lagu saaray shuruucda hortaalla guddiga inta lagu jiro Kalfadhiga 8-aad iyo howlaha mudnaanta leh ee la doonayo in la fuliyo.
Xubnaha guddiga ayaa isku raacay in la dedejiyo geeddi-socodka dib-u-eegista iyo diyaarinta sharciyada la xiriira ilaalinta xuquuqul insaanka, iyadoo sidoo kale la ansixiyay jadwal cusub oo lagu hagayo kulamada iyo howlaha guddiga.
Guddiga ayaa sidoo kale qorsheeyay inuu xoojiyo wada-shaqeynta wasaaradaha ay khuseeyaan shuruucda hortaalla Baarlamaanka, iyadoo dhinaca kale xoogga la saarayo la-xisaabtanka hay’adaha dowladda ee masuuliyadda ka saaran arrimaha xuquuqul insaanka, haweenka iyo xaaladaha bani’aadantinimada.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah howlaha Guddiga ee Kalfadhiga 8-aad, iyadoo la filayo in shuruucda hortaalla guddiga qaarkood loo diyaariyo marxaladaha xiga ee hannaanka sharci-dejinta.









