Labo Maamul Goboleed oo dalbaday in dib loo soo celiyo cunaqabateynta hubka Soomaaliya
Sida ay ogaatay Banaadir24 Online, Jubbaland, Puntland iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa saddex warqadood oo kala duwan u kala diray dhammaan safaaradaha Soomaaliya, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD, iyagoo kaga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya.
Sida ku cad warqadaha ay heshay Banaadir24 Online, Jubbaland iyo Puntland ayaa walaac ka muujiyay awoodda dowladda Federaalka Soomaaliya ee maareynta hubka iyo agabka milatari ee waaweyn, iyagoo sheegay in hubka iyo agabkaas loo adeegsan karo khilaafaadka siyaasadeed iyo kala aragti duwanaanshaha jira.
Jubbaland iyo Puntland ayaa sidoo kale dalbaday in dib loo soo celiyo cunaqabateynta hubka, iyagoo ku dooday in aysan jirin qaab-dhismeed siyaasadeed oo dhinacyadu ku heshiin yihiin, isla markaana ay jiraan walaacyo ku saabsan in hubka culus iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay gacanta kooxaha argagixisada geli karaan.
Labada maamul ayaa sidoo kale ku baaqay in la taageero doorasho loo dhan yahay oo lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed iyo muranka muddo-xileedyada dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada koonfurta dalka.
Warqadaha ayaa sidoo kale soo jeediyay in la dhiso guddi dhexdhexaadin ah oo ay hoggaaminayaan xubno ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, si loo fududeeyo wada-hadal siyaasadeed oo dhinacyada oo dhan ka qeyb qaataan.
Waxaa sidoo kale lagu dalbaday baaritaan madax-bannaan oo caalami ah oo lagu sameeyo duqeyntii 3-dii Sebtembar ka dhacday Doolow, iyadoo dhinacyada siyaasadeed ay arrintaas ka bixiyeen aragtiyo kala duwan.
Sidoo kale, waxaa la dalbaday in la kordhiyo ama la sii xoojiyo hawlgalka siyaasadeed ee Qaramada Midoobay ee UNTMIS, si loo taageero geeddi-socodka maamul-dhisidda iyo la-dagaallanka argagixisada.
Jubbaland, Puntland iyo Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale dalbaday in Golaha Ammaanka uu yeesho fadhi rasmi ah oo degdeg ah oo looga hadlayo xaaladda Soomaaliya ka hor dhammaadka muddada UNTMIS iyo dhammaadka 2026-ka ee AUSSOM.
Warqadaha ayaa ugu dambeyn ku baaqaya in Golaha Ammaanka uu adeegsado habab dheeraad ah oo uu ku helo warbixinno madax-bannaan oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya, iyadoo la tixgelinayo cabashooyinka iyo aragtiyada ka imanaya dhinacyada siyaasadeed ee kala duwan.









