Masar oo mar kale ku celisay in madaxbanaanida Soomaaliya ay lama taabtaan tahay

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi ayaa mar kale caddeeyay taageerada Qaahira ee amniga, midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, isagoo sheegay in Masar ay si adag uga soo horjeeddo tallaabo kasta oo wax u dhimi karta midnimada iyo dhuleednimada Soomaaliya.
Sisi ayaa hadalkan sheegay Axaddii 20-ka Sebtembar 2026, kaddib kulan uu Qaahira kula yeeshay madaxa CIA-da Mareykanka John Ratcliffe, iyadoo kulanka uu sidoo kale ka qeyb galay madaxa sirdoonka Masar Hassan Rashad.
Hase yeeshee, iyadoo Masar muddo dheer sheegaysay inay ciidamo u soo diri doonto Soomaaliya, su’aasha taagan ayaa ah: maxaa ilaa hadda dib u dhigay ciidamadii Masar?
Xogta ugu dambeysa ee laga helayo dhinaca Soomaaliya ayaa muujinaysa in dib-u-dhacu uusan ahayn mid la xiriira in Masar ay ka laabatay go’aankeeda ama aysan ciidamo diyaar u ahayn.
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar Balcad ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Masar ay labaduba diyaar u yihiin in ciidamada Masar ay ku biiraan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, balse caqabadda ugu weyn ay tahay dhammaystirka habraacyada ay si wadajir ah u maamulayaan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.
Habraacyadaas waxaa ka mid ah qorshaha wareejinta iyo isku-bedelka ciidamada, gaadiidka iyo saadka, shuruudaha hawlgalka iyo arrimo kale oo farsamo oo la xiriira howlgalka.
Midowga Afrika ayaa horey dhowr jeer u xaqiijiyay in Masar ay diyaar u tahay inay ciidamadeeda geyso Soomaaliya. Bishii Febraayo 2026, Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika wuxuu si cad u soo dhaweeyay diyaar-garowga Masar, isagoo Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ugu baaqay inay dedejiyaan geeddi-socodka si looga fogaado meel amni oo bannaan marka ciidamada Burundi laga saaro Soomaaliya.
Sidoo kale, dhammaadkii 2025, Midowga Afrika wuxuu sheegay in la qaaday tallaabooyin hordhac ah oo ay ka mid yihiin booqasho lagu qiimeeyay ciidamada Masar iyo bilowga wada-xaajoodyada heshiisyada looga baahan yahay howlgalka.
Dhanka kale, maalgelinta AUSSOM ayaa noqotay caqabad kale oo weyn. Midowga Afrika ayaa si joogto ah uga digay baahida loo qabo maalgelin joogto ah, la saadaalin karo oo muddo dheer ah si howlgalka uu u sii shaqeeyo









