LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Somaliland oo Shaacisay Qabashada Hub Culus, Baaritaanno Socda

Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtay hub culus oo la sheegay in laga soo geliyay dibadda, iyadoo lagu eedeeyay in ay ku lug leeyihiin “dawlado waaweyn” oo aan weli si rasmi ah loo magacaabin.

War kasoo baxay hay’adaha ammaanka ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada ammaanka lagu qabtay hubkan, iyadoo sidoo kale la xiray qaar ka mid ah shaqsiyaadkii lala tuhunsanaa inay ku lug lahaayeen keenista hubkaasi. Ilo wareedyo amni ayaa xaqiijiyay in qaar kale oo ka mid ahaa dadka shabakaddaasi ay baxsadeen, isla markaana weli lagu raad joogo.

Xukuumaddu waxay sheegtay in baaritaanno ballaaran ay socdaan si loo ogaado halka uu hubku ka yimid, cidda soo maalgelisay, iyo sida uu dalka kusoo galay. Sidoo kale, mas’uuliyiintu waxay ballanqaadeen in si dhow loo baari doono cid kasta oo ku lug leh arrintan.

“Waxaa la soo bandhigi doonaa nooca hubka la qabtay, waddamada ku lugta leh iyo cidda fududeysay gelitaankiisa gudaha dalka,” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay xukuumadda.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in hubka la qabtay uu yahay mid culus oo khatar ku ah amniga guud, taasoo sare u qaadaysa walaaca ku saabsan faragelin shisheeye iyo isku dayo lagu wiiqayo xasilloonida Somaliland.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay Somaliland xoojineyso dadaallada ay ku sugayso ammaankeeda gudaha, iyadoo si gaar ah isha loogu hayo dhaqdhaqaaqyada hubka sharci darrada ah iyo kooxaha laga shakisan yahay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *