LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xasan Sheekh oo safar ugu baxay dalka dibaddiisa + Ujeedka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saqdii dhexe ee xalay ka ambabaxay dalka, isagoo ku wajahan magaalada New York ee dalka Maraykanka, halkaas oo uu kaga qayb geli doono Kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Soomaaliya ku matalaya kulamada heerka sare ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, waxaana la filayaa inuu khudbad ka jeediyo madasha caalamiga ah.

Khudbadda Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in diiradda lagu saaro xaaladda Soomaaliya, amniga, siyaasadda, dowlad-dhiska iyo dhacdooyinka ugu dambeeyay ee gobolka, iyadoo Soomaaliya ay sidoo kale xubin aan joogto ahayn ka tahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay illaa dhammaadka 2026.

Inta uu ku sugan yahay New York, Madaxweynaha ayaa sidoo kale la filayaa inuu kulamo gaar gaar ah la yeesho madaxda dowladaha iyo mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha caalamiga ah, iyadoo kulamadaasi looga hadli karo arrimaha Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka caalamiga ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *