LATEST NEWSLOCAL NEWSWORLD NEWS

Wasiir Fiqi oo ku hanjabay inay mucaaradka soo afjarayaan madaxana laga jebinayo

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa si adag uga hadlay siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeeda dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku eedeeyay inay caqabad ku yihiin dowladnimada iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.

Wasiirka oo ka hadlayay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in siyaasiyiinta mucaaradka aysan dooneyn dowladnimo dhab ah, isla markaana ay mar kasta ka shaqeeyaan qalqal gelinta xasilloonida dalka.

Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in mucaaradka aysan dooneyn in dalka ay ka dhacdo doorasho loo dhan yahay, balse ay adeegsanayaan arrimo kale oo uu ku tilmaamay marmarsiiyo siyaasadeed.

Wuxuu tilmaamay in mucaaradku ay ka hadlayaan dad guryo laga burburiyay, isla markaana ay warqado u qoreen Hay’adaha Caalamiga ah iyo Bangiga Adduunka, iyaga oo ka codsanaya in dowladda Soomaaliya laga joojiyo taageerada dhaqaale iyo mashaariicda horumarineed.

Sidoo kale, wasiirka ayaa ku eedeeyay mucaaradka inay doonayaan in caalamka ay u muujiyaan sawir ah in dowladdu ku fashilantay maamulka dalka.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in mucaaradku aysan awood u lahayn inay bannaanbaxyo ka abaabulaan Muqdisho, isagoo ku dooday in aysan jirin taageero shacabka ah oo ay heystaan.

“Wallahi albaabka dowladda ayaad garaaceysaan, bannaanbixii waa lagu maadeystay, beerka ariga ayuu noqday,” ayuu yiri wasiirka isagoo si kulul u hadlayay.

Wuxuu sidoo kale sheegay in mid kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka uu tagay degmada Kaaraan balse aysan jirin dad usoo baxay taageeradiisa.

Intii uu hadalka sii watay ayuu Wasiirka Gaashaandhigga sheegay in dowladdu aysan aqbali doonin kooxo hubeysan ama maleeshiyaad siyaasadeed oo lagu qalqal geliyo amniga magaalada Muqdisho.

“Maalintii saldhigga Warta Nabadda ayay ahayd in madaxa la idinka jebiyo,” ayuu yiri Wasiirka, isaga oo hadal adag u diray kooxaha mucaaradka ee laga cabsi qabo inay abaabulaan ciidamo hubeysan.

Wuxuu intaas ku daray in cid kasta oo isku dayda inay maleeshiyaad kusoo gasho Muqdisho ama ay qalalaase amni abuurto “madaxa laga jebin doono.”

Hadalka Wasiirka Gaashaandhigga ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka.

Mucaaradka ayaa dowladda ku eedeeya inay ku tuntay dastuurka iyo hanaanka dimuqraadiyadeed, halka dowladda ay ku dooddo in mucaaradku ay carqaladeynayaan dowladnimada iyo dib u dhiska hay’adaha dalka.

Khudbadda Wasiir Fiqi ayaa durba dhalisay hadal-heyn siyaasadeed iyo falcelin kala duwan oo laga muujiyay baraha bulshada iyo fagaarayaasha siyaasadda Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *