Madaxweyne deni oo Mareykanka kala hadlay khilaafka doorashooyinka iyo xaalada kala-guurka ah

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Mareykanka, oo uu hoggaaminayo Ku-xigeenka Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ahna sii hayaha xilka Safiirka, Ambassador Justin Davis, ayna qeyb ka yihiin Saraakiisha Howlgalka Africom, oo uu ka midyahay Col. Shane Jones Taliyaha Howlgalada gaarka ah ee maraykanka ee Africa.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada, Amniga, Siyaasada iyo horumarinta , waxaa si gaar ah looga hadlay xaaladda kala guurka ah ee uu dalku galay iyo doorka Puntland, sidoo kale kulanka waxaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee Puntland iyo Dowladda Maraykanka gaar ahaan dhinacyada Amniga, maalgashiga, iyo ka faa’idaysiga khayraadka dabiiciga ah ee Puntland, dhinacyada Macdanta, Kalluumeysiga iyo Shidaalka







