Sawirro:- Waalidiin iyo Carruurtooda oo Afka u xiran yahay oo bannaanbax Maanta ka dhigay Magaalada Muqdisho

ooyooyin iyo carruur afka xirtay ayaa maanta bannaanbax aamusan ka dhigay xaafadda Buulo Daa’uud ee degmada Shibis, kadib markii ay sheegeen in ciidamada dowladda ay ka burburiyeen guryihii ay deganaayeen, taasoo sababtay cabsi iyo barakac soo wajahay qoysas badan.
Dadka bannaanbaxa dhigayay ayaa watay astaamo muujinaya murugada iyo xaaladda adag ee ay wajahayaan, iyadoo qaar kamid ah haweenka ay sheegeen in carruurtooda ay xalay ku hoydeen bannaanka kadib markii hoygoodii la dumiyay.
Goobjoogayaal ku sugan deegaanka ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay saacadihii lasoo dhaafay howlgal burburin ah ka fuliyeen xaafadda, waxaana halkaasi ka dhashay xiisad iyo cabsi soo wajahday dadka deegaanka, gaar ahaan haweenka iyo carruurta.
Drs. Xabiibo Cabdi Xalane iyo Nabadoon Yuusuf Cadow oo kamid ahaa waxgaradka xaafadda ayaa la sheegay in xalay lagu xiray saldhigga degmada Shibis, kadib markii ay isku dayeen inay ka hadlaan cabashada dadka deegaanka iyo burburinta lagu sameeyay guryaha shacabka.
Qaar kamid ah waalidiinta deegaanka ayaa sheegay inay xalay dibadda ugu hoydeen cabsi ay ka qabaan ciidamada ku sugan goobta, kuwaasi oo sida ay sheegeen loo igmaday sugidda amniga, balse ay hadda ka cabsi qabaan dhaq-dhaqaaqyadooda.
Mid kamid ah hooyooyinka bannaanbaxa ka qeybgalaysay ayaa warbaahinta u sheegtay in aysan haysan meel ay carruurtooda geeyaan, islamarkaana ay dowladda ugu baaqayaan inay joojiso burburinta iyo barakicinta shacabka masaakiinta ah.
Waxgaradka deegaanka ayaa ugu baaqay maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda federaalka inay si deg deg ah uga jawaabaan cabashada dadka deegaanka, isla markaana xal nabadeed laga gaaro muranka la xiriira dhulka iyo guryaha la burburiyay.










