Warbixin cusub oo ka digtay awoodda Al-Shabaab & Soomaaliya oo la sheegay inay tahay xudunta…

Warbixin cusub oo ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in Soomaaliya iyo gobolka Saaxil ee Galbeedka Afrika ay weli yihiin labada goobood ee ugu muhiimsan qaaradda Afrika ee kooxaha xiriirka la leh Al-Qaacida ay ku leeyihiin saameyn, awood iyo dhul ay ka howlgalaan.
Reuters ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay ka mid tahay kooxaha ugu muhiimsan ee Al-Qaacida ku xiran Afrika, iyadoo kooxda ay weli awood u leedahay inay ka howlgasho qeybo badan oo Soomaaliya ah, inkastoo ay Dowladda Federaalka iyo ciidamo caalami ah muddo dheer dagaal kula jiraan.
Warbixintu waxay tilmaamaysaa in Al-Qaacida ay wajahday khasaare weyn tan iyo weerarradii 11-kii Sebtembar 2001, gaar ahaan dilkii Osama bin Laden iyo soo bixitaankii Daacish oo noqotay koox la tartanta. Si kastaba, shabakadda ayaa qaabkeeda beddeshay, iyadoo ku tiirsan kooxo goboleed iyo dagaalyahanno si hoose u shaqeeya.
Reuters waxay sidoo kale xustay JNIM, oo ka howlgasha Saaxilka, iyo Al-Shabaab oo Soomaaliya ka jirta, iyadoo labada kooxood ay ka mid yihiin laamaha Al-Qaacida ee ugu saameynta badan qaaradda Afrika.
Khabiir lagu soo xigtay warbixinta ayaa sheegay in inkastoo Al-Qaacida ay ka hooseyso heerkii ugu sarreeyay ee awooddeeda, haddana ay weli tahay shabakad “si weyn u saameyn leh”, iyadoo qaab-dhismeedkeedu uu noqday mid aan si weyn ugu tiirsanayn hal hoggaamiye ama koox dhexe.
Warbixintan ayaa muujinaysa in Soomaaliya aysan weli ka bixin safka hore ee dagaalka caalamiga ah ee lagula jiro kooxaha jihaad-doonka ah, iyadoo Al-Shabaab ay weli tahay caqabadda ugu weyn ee amniga dalka.
Banaadir24 Online









