Turkiga oo lagu eedeeyay duqeyn culus oo ka dhacday duleedka Baydhabo

Dadka deegaanka ee ku nool dhowr tuulo oo duleedka Baydhabo ah ayaa Khamiistii sameeyay mudaharaad ay uga cabanayaan duqeyn habeenkii Arvada ahayd ka dhacday deegaannadooda, taas oo ay ku eedeeyeen dowladda Turkiga inay ku taageereysay ciidamo garab siinaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.
Duqeynta ayaa la sheegay inay ka dhacday agagaarka Labaatan Jirow, oo qiyaastii 20 KM u jirta magaalada Baydhabo, halkaas oo dadka deegaanka ay sheegeen in gantaallo lagu garaacay goobo ay dad rayid ah ku nool yihiin.
Muuqaallo laga helay deegaanka ayaa muujinaya koox dad ah oo bannaanka isugu soo baxay, kuwaas oo si cad uga cabanaya duqeynta iyo khasaaraha ay sheegeen inay ka dhalatay.
Dadka mudaharaaday ayaa dowladda Turkiga ku eedeeyay inay mas’uul ka tahay duqeynta, iyagoo sheegay in howlgalkaasi uu qeyb ka yahay taageero militari oo la siinayo dhinaca Sheekh Aadan Madoobe, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed iyo milatari ee u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo xoogagga taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in gantaalladu ay dhulka ka sameeyeen godad waaweyn, isla markaana waxyeello ay soo gaartay deegaanada la beegsaday.
Si kastaba, lama xaqiijin tirada dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay duqeynta, sidoo kalena weli ma cadda goobihii si gaar ah loo beegsaday iyo tirada gantaallada la adeegsaday.
Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Turkiga ayaan weli si rasmi ah uga hadlin eedeymaha ay dadka deegaanka soo jeediyeen.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli xiisadda Baydhabo ay mareyso heer sare, iyadoo magaalada iyo deegaanadeeda ku dhow ay ka taagan yihiin dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo iska horimaadyo la xiriira loollanka u dhexeeya dowladda federaalka iyo xoogagga taageersan Laftagareen.
Haddii eedeymaha duqeynta ay xaqiiqo noqdaan, dhacdadani waxay noqon kartaa arrin cusub oo sii murjin karta xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Koonfur Galbeed.









