Xawaadle oo Beledweyne isugu imaanaya, fariin culusna u diraya Xasan iyo Guudlaawe

Wufuud kala duwan oo isugu jirta xildhibaano, siyaasiyiin iyo duubab dhaqameed ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa maalmaha soo socda ku tagi doonaan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Ilo-wareed rasmi ah ayaa sheegay in wufuuddan ay Beledweyne uga qeyb geli doonaan shir aayo-ka-tashi ah oo ay beesha Xawaadle qorsheysay.
Kulanka ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada iyo guud ahaan gobolka Hiiraan ay ka taagan yihiin dooddo siyaasadeed oo la xiriira jihada mustaqbalka Hirshabelle iyo matalaadda bulshada gobolka.
Wararka soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in socdaalka wufuuddan uu xilli xasaasi ah ku soo aadayo, iyadoo ay jiraan warar ku saabsan kaarka JSP iyo qorshe Villa Soomaaliya lala xiriirinayo in Cali Guudlaawe Xuseen mar kale loo dhiso hoggaanka Hirshabelle.
Si kastaba, illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Villa Soomaaliya.
Shirka Beesha Xawaadle ayaa sidaas darteed noqon kara mid si weyn indhaha loogu hayo, iyadoo la sugayo fariinta siyaasadeed ee ka soo bixi doonta kulanka iyo saameynta ay ku yeelan karto mustaqbalka Hirshabelle.









