LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Loolanka cidda noqoneysa Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo lagi kala adkaaday

Warar rasmi ah oo uu helay Banaadir24.com ayaa sheegaya in lagu kala adkaaday loolankii siyaasadeed ee ka taagnaa xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Musharraxa Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa dadaal xooggan ku bixinayay in xilkaas loo doorto Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, halka dhinaca Villa Soomaaliya oo taageero ka helayay Xoghayaha Guud ee Xisbiga JSP, Xuseen Sheekh Maxamuud ay wadeen qorshe lagu doonayay in xilkaasi loo magacaabo Dr. Mahad.

Wararka hadda soo baxaya ayaa tilmaamaya in ugu dambeyn Dr. Mahad loo asteeyay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, taasoo muujinaysa in Villa Soomaaliya ay guul ka gaartay loolanka siyaasadeed ee arrintan hareeyay.

Dhanka kale, siyaasadda Koonfur Galbeed ayaa haatan u muuqata mid ay si weyn u saameynayaan saddex kooxood oo siyaasadeed, kuwaas oo kala ah:

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac)
Xoghayaha Guud ee Xisbiga JSP, Xuseen Sheekh Maxamuud
Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Maxamed Xuseen (Ellaay)

Isbeddelladan siyaasadeed ayaa imanaya xilli ay Koonfur Galbeed wajahaysay tartan xooggan oo ku saabsan cidda hoggaamineysa hay’adaha maamulkaasi, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda ay sii caddaadaan saamaynta ay yeelan doonaan isbahaysiyada cusub ee siyaasadeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *